Muqdisho(INO)-Iyadddoo mudo dheer lagu jiray marxalad siyaasadeed murug wayn dhalisay, taasoo saameyn ku yeelatay dhaq dhaqaaqii & kala socodkii xukeemada Soomaaliyeed ee mudada yar u hartay ayaa ugu danbayn 27-kii bishan Ra’iisul wasaare Cumar Cabdirashiid Sharmaarke uu sameeyay isbadal dhab ah oo xukuumadii uusoo dhisay isla 10-kii bishan oo ay baarlamaanku dib ugu celiyeen ka dib markii wasiiro xasaasiyad (allergic) ku ahaa qaar ka mid ah xildhibaanada uu ku soo daray Xukuumada taasoo u cuntami waysay qaar ka mid ah xildhibaanada Soomaliyeed.
Ka dib waxa uu codsaday Ra’iisul wasaaruhu in mudo 14 casho la siiyo si uu dib ugu soo magacaabo Xukuumad kale. intii uu mudada haystay Ra’iisul wasaaraha waxaa magaalada goobaha lagu qaxweysto la hadal hayay in lasoo celinayo ragii uun, taasi iyadoo jirto ayaa hadana Madaxweyne Xasan Sheikh Habeen si cad Warbaahinta ugu sheegay in ay soo laabanayaan wasiiradii hore qaar ka mid ah taasoo Xildhibanada qarasta kusii kicisay, iyadoo ay dhacday in ay Xildhibaano badan ay si gaar gaar ah isku uruursadeen iyadoo magacyo kala duwan la baxay kuwaasoo difaac addag ugu jiray hadalkii madaxwynaha kana baaraan dagayay in hadii uu Ra’iisul wasaaraha dib usoo celiyo qaarka mid ah wasiiradii hore ay meel uga soo wada jeesan doonaan.
Wixii la sugaba waxaa dhacday in Rag Cusub oo aan ka mid aheyn kuwii xildhibaanada xasaasiyada ku ahaa lagu soo darin oo habeen xili ay afrikada bari ku beegneyd 10:33PM taariiqduna aheyd 27/1/2015 uu si lama fillaan ah ku magacaabay Xukuumadiisa oo ka koobneyd 20 wasiir. Dad badan ayaa soo dhoweeyay Magacaabista Wasiiradan cusub inkastoo wasiiro ku xigeenada iyo wasiiru dowlayasha uusan magacaabin balse sheegay in xili dhow magacaabi doono. Arinta is badalka siyaasada ku keentay waxa ay tahay Ra’iisul wasaaraha oo qaatay mowqif cad taasoo laga dareemay isbadalkani cusub ee Wasiirada.
Hadaba qormadan waxaan jeclahay inaan hawada ugu diro xildhibaanada Matala Shacabka Soomaaliyeed oo aan ka rajeynayo in ay ansixiyaan. waayo Ragu maahan Ragii, oo waa rag cusub ee Codkiina siiyaa Caadilkaan iddiinku dhaarshee. waxaa wanaagsan in marwalba la eego bad baadada shacabka oo laga gudbiyo xaaladaha cakiran.
Waxaan maq maqlayay shux shux hoose oo dad aan samo ka talis aheyn ay ku hadaaqayeen balse waxaan rajaynayaa in Baarlamaanku aysan dhag Jallaq u siinin waayo iyagee tallada ka go,daaye. Xildhibaanadda Soomaaliyeed Mowqifka aad qaadateen oo ahaa in rag aad u aragteeen in ay caqabad ku yihiin Dowlada waa la iddiinka badallay oo Ra’isul wasaare CCC siyaasada Xukuumaddisa waa uu rogay isagoo tixgalinayo rabitaankiina maadaama aad Shacbiga Soomaaliyeed matashaan.
Marka aan usoo dhaadhaco wasiiradan cusub ee la magacaabay runtii Dhamaantood waa rag u qalma waana rag guddan karo waajibaadkooda. Waana rag inta badan shacabka Soomaaliyeed ay wada garanayaan oo sumcad & sharaf ku dhax leh.balse natiijada ugu danbayso ay ku xiran tahay Gollaha Shacabka ansixintoodda waxaana rajeynayaa in si nabad galyo ah ku ansixiyaan haduu Alle idmo, waxaana leeyahay,u codeeya Waa Cuseebe.
W/Q: Asad Abuukar Cali( Asad Dhaayow).
Email: asaddhayow@gmail.com