Shir looga Hadlayo Arimaha Gaashaandhiga Dowladaha Afrika oo Kampala ka socda

0
188

Kampala(INO)-Magaalada Kampala ee Dalka Ugandha  ayaa waxaa ka socda shir ay ka qeybgalayan Saraakiil ka socota Wasaaradaha Gaashaandhigga ee Beriga Africa oo ay ku mideysan yihiin East Africa Standby Force (EASF) waxaana shirkaasi oo looga hadlayaa arrimo la xiriira Milatariga Africa iyo arrimo kale iyadoo shirkaasi  Soomaaliya ay u mataleyso Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka.

Kampala

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Gaashandhigga Soomaaliya Cali Aadan.oo u matalaya wasaaradda Gaashaandhiga Soomaaliya ayaa shirkaasi ku soo bandhigay howsha baaxada leh ee wasaaradda ay u heyso dalka iyo sida muhiim ay u tahay in xiriir dhow ay yeeshaan wasaaadaha Difaaca ee Qaaradda Africa.

Dowladda Uganda ayaa waxaa ay ka mid tahay Dowladaha Afrikaanka ah Ee Somalia ay Ciidamadu ka joogaan Shirkaan looga hadlayo Arimaha Gaashaandhiga ayayna soo abaabushay Waxaana Waxyaabaha Diirada lagu saari doono ka mid ah Arimaha Ciidamada Dalka Somalia iyo sidii Somalia looga Gacan sii lahaa Dhismaha Ciidankeeda.

Idale News Online, Kampla, Uganda