Dhuusamareeb(INO)-Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si rasmi ah ula wareegay gacan ku haynta Degmada Dhuuso Mareeb ee Gobolka Galgaduud,oo ay kuwada dagaalameen ciidanka Ahlu Sunna iyo kuwa Dowladda.
Wararka ay helayso Idale News Online , ayaa sheegaya in ciidamada dowladda gabi ahaanba ay qabsadeen Dhuuso Mareeb oo Magaalada laga saaray ciidamadii Ahlu Sunna ka tirsanaa.
Koontaroolka Magaalada laga soo galo, Saldhiga Magaalada iyo Xerada 21-aad ee ciidamada Xooga ay degan yihiin ayeey ciidamada gabi ahaanba la wareegeen,waxaana warka uu intaasi ku darayaa in ciidamadii Ahlu Sunna ka tirsanaa dhanka wadada Guriceel aado ay cagta saareen.
Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkaan kale ee ciidamada dowladda ay kula wareegeen gacan ku haynta Degmada Dhuuso Mareeb.
Xaalada ayaa aad u kacsan, waxaana suuragal ah in Xoogaga Ahlu Sunna ay soo qaadaan weerar kale oo rogaal celis, kadib gurmad uga yimaada dhanka Guriceel.