DHAGEYSO: Madaxweyne Shariif Xasan oo hal arin ka dalbaday dowlada federaalka Soomaaliya..

0
165

Baydhabo(INO)-Madaxweynaha maamulka koofur galbeed Shariif Xasan Sheikh Aadan ayaa ka dalbaday dowlada Soomaaliya inay gacan weyn ka geysato sidii loo furi lahaa wadooyinka Alshabaab ay xereen ee  ku yaala gobolka Bakool.

DSC02375

Shariif Xasan Sheikh Aadan, ayaa ugu baaqay dadka ku dhaqan gobolkaasi dhankooda inay gacan weyn ka geystaan sidii loo furi lahaa wadooyinka Alshabaab ay xereen.

Halkan Ka Dhageyso

Wuxuu sidoo kale caalamka ka dalbaday inay dhankooda dadaal ku bixiyaan sidii dadka aysan markale xaalado bini’aadanimo usoo wajihin maadaama wadooyinka xeran ay sababeen cunuqabateyn soo wajahda degmooyinkaasi.

Alshabaab ayaa xeray wadooyinka gala degmada Tayeeglow ee gobolka Bakool, waxaana Shariif Xasan uu hadalkaan ka jeediyay degmada Xudur ee gobolkaasi xili uu tagay maalintii shalay.

Idale News Online, Baydhabo