Xoogag hubeysan, ayaa waxay xalay Magaalada Garissa ee Gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya ku dishay Allaha u naxariistee Sheekh C/rashiid Xasan, oo ka mid ahaa Culima’udiinka reer Garissa.
Sheekh C/rashiid Xasan, ayaa waxaa Salaaddii Maqribka kadib lagu dilay inta u dhaxeyso Masjid Jaamaca Garissa iyo Suuqa, xilli uu ku sii jeeday goob ganacsi oo uu Suuqa ku lahaa, si uu u soo xiro.
Waxaa Sheekha wadada ku gashay dabley bistoolado ku hubeysneyd, kuwaa oo la sheegay in ay si xun ula dhaceen rasaas badan, kagana taggeen goobtii ay ku dileen marxuumka.
Kooxdaan, ayaa waxay ku baxsatay gaari Taksi ahaa oo ay wateen, iyadoo aysan suurta gelin in gacanta lagu soo dhigo nimankaan, oo aan ilaa iyo hadda si rasmi ah loo aqoon cidda ay ka tirsan yihiin.
Gudoomiyaha Magaalada Garissa Nadiif Jaamac, ayaa wuxuu sheegay in ay soconayaan baaritaano lagu doonaayo in gacanta lagu soo dhigo nimankii dilka geystay.
Allaha u naxariistee Wadaadka la dilay, ayaa wuxuu Siirada Rasuulka Caleehi Salaatu Wasalaam, uu ka akhrin jiray Masjid Jaamaca Magaalada Garissa.
Idale News Online, Garisa.