Bal aan marka hore idinla wadaago qisadaan aan uga gol leeyahay bal inaad fahamtaan ujeedkayga. Qisadiina waa tan:-
Waxaa jiray nin oday ah oo la oran jiray Mooge. Mooge Wuxuu Lahaa Dukaan, mase aqoon sida wax loo qoro ama loo akhriyo sidaa darteed Wuxuu damcay inuu wax akhriyo, markaas ayuu akhrin karinwaayay illeen ma uusan baran sida wax loo akhriyee, hadaba odaygii Wuxuu ku fakaray qaab kale oo uu Wax ku akhrin karo.
Odaygii Wuxuu yiri” Allaylehe, waxaa i haysta oo aan wax u akhrin la’ahay haddaan gartay oo waa ookiyaale(muraayada indhaha) la’aan marka waa inaan soo iibsadaa si aan awood ugu yeesho inaan wax akhriyo”
Oday Mooge Wuxuu u malaynayaa inuu hadda xalkii helay oo cillada haysataa ay tahay ookiyaale la’aan, bal aan aragno inay wax xalliso.
Oday Mooge oo yimid Dukaankii Muraayadda indhaha.
Oday Mooge: Dukaanlow adeer bal muraayaddaas ii dhiib.
Dukaanle: Hoo adeer.
Oday Mooge:waad mahadsan tahay.
Oday Mooge Wuxuu isku eegayaa ookiyaalihii isagoo raba bal inuu wax akhriyo,Wuxuu la soo baxay Waraaq bal inuu iskudayo si uu u akhriyo,laakiin xabad ba waa ka fahmi waayay oo waxay ku noqotay mad madoobe Allaa ku yaqaan.
Oday Mooge Wuxuu is yiri ookiyaalahaan ma fiicnee bal mid kale ku fiiri, isagoo wali aaminsan in ciladu tahay ookiyaalka, Wuu celiyay Kii hore oo hadana Dukaan lihi ayuu mid kale ii soo qabo yiri.
Dukaanle: Hoo bal kan Isku eeg.
Oday Mooge Kii labaad ayuu Isku eegay mise wali waxba kama garanayo, laakiin markuu dhowr jeer ku celceliyay, dukaanluhuna arkay inuusan odaygu tagayn oo uu mid walba kusoo celinayo ayuu yiri adeer see wax u jiraan?
Oday Mooge: Adeerow sida wax loo akhriyo ayaanan aqoon marka muraayadaha akhriska sahla ayaan rabay.
Dukaanle: Oo adeer horay ma u baratay akhriska?
Oday Mooge: Adeer see u bartaa waligayba maanta ka hor Muraayado ma xirane?
Dukaanle: Adeer waa la bartaa oo school ayaa loo aadaa, muraayaduhuna araga ayay sahlaan ama waa lagu xarragoodaa.
Oday Mooge: Haa oo adeer ma waxaad leedahay intaadan wax akhrin ka hor baro sida loo akhriyo?
Dukaanle: Haa adeer waa inaad aaddaa dugsiyada looga hortago Akhris/qorid la’aanta.
Oday Mooge, hadda Wuxuu ogaaday inuu toobiye khaldan ku socday oo uusan marin waddadii saxda ahayd, hadaba Wuxuu tagay Iskuul wuxuuna si deg deg ah ku bartay sida waxna loo qoro waxna loo akhriyo.
Hadaba, madaxda Koonfur Galbeed sida ninkaas odagaa uu xalka uga raadiyay meel khaldan ayay iyagun xalka ugu raadinayaan meel khaldan. Maxaa khaldan? Ma qof baa khaldan? Ma koox baa khaldan? Mise syste-Kii ayaa khaldan?
Haddaad dib ugu noqoto ka soo bilow maamulkii lagu yagleelay Boonkaay, kii Koonfur Galbeed ee Shaati Gaduud iyo kan hada ee Madaxweyne Madoobe Nuunow. Waxaa laga kaaftoomi la yahay Muqdisho, tolow maxaa khaldan.?
Maxaa isaga eg oday Mooge iyo madaxda Koonfur Galbeed, oo waliba oday Mooge khaladkiisii waa qaatay marki loo sheegaye, madaxda Koonfur Galbeed ma taariikhdii ayay wax ka baran waayeen, mise marabaan inay taariikhda dib u akhriyaan? Madaxda iyo Siyaasiyiinka Koonfur Galbeed Maxaa ka khaldan?
Hadaba su’aasha jawaab teeda waxaan udaayay dadka Koonfur Galbeed, aanse talo usoo jeediyo madaxdeena iyo shacabkeena Koonfur Galbeed.
Madaxda iyo Shacabka Koonfur Galbeedow, Ilaahay aan ka cabsano, muddo 24 Sano ah wax system ah oo noo shaqeeya ma jiraan. Aan ka hormarino danta qaaska ah danta guud, aan fiiro gaar ah u yeelano maatideena la il daran gaajada, aan u diirnaxno gabdhaheena habeen iyo maalin lagu kufsanayo wadanka gudihiisa gaar ahaan magaalada Muqdisho.
Horaa waxaa loo yiri (Ri’ walba meeshay is dhigtaa lagu qalaa). Angaa wax Kasta Isu gaysannee aan is badal la nimaano.
See macquul u tahay inaan sida aan maanta nahay aan ahaanno iyadoo aqoonta Diinta iyo tan maaddigaba aan ka hor marsan nahay maanta xilliyadii la soo maray? Soo arinku markaa ma noqonayo in dadkeenii hore ay naga fiicnaayeen,naga tayo badnaayeen,naga daacadsanaayeen? Waxaa marka Walaal nagu haboon inaan taas wax ka badalno oo aan muujino Kartidii ay la haayeen Halyeeyaashii Koonfur Galbeed, Ustaad Cismaan, Sheekh C/laahi Bogodi iyo C/qaadir Maxamed Aadan (Zoope).
Ugu danbeyn waxaan usheegayaa Madaxdeena in Aqoonsiga Koonfur Galbeed uusan oolin magaalada Muqdisho oo uu yaalo Magaalooyinka Baydhabo, Marko, Garbahaarey, Kismaayo, Xudur iyo Bu’aale.
W/Q: Muriidi Maroodi Majiijiyow.