Dagaalo culus oo u dhaxeeyay Ciidamada dowladda, kuwa AMISOM iyo dagaalyahano ka tirsan Shabaab ayaa xalay ka dhacay magaalada Baydhabo, iyadoo dagaaladu ay socdeen saacado.
Sida ay sheegayaan wararka dagaalka oo ahaa kii ugu xooganaa ee mudooyinkan ka dhaca magaalada ayaa ka dambeeyay markii dagaalyahanada Shabaab ay dhowr jiho ka soo weerareen magaalada.
Wararka ayaa sheegaya in xoogaga Shabaab ay gudaha u galeen qeybo ka mid ah xaafadaha magaalada, iyagoo weeraray fariisimo ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM lahaayeen.
Inkastoo ay adag tahay in la helo faah faahin ku saabsan dagaalka, hadana waxaa ilaa iyo haatan la soo sheegayaa in dhaawaca saddex askari la geeyay Isbitaalka guud ee magaalada.
Dadka deegaanka ayaa ku waramaya in xalay ay maqlayeen rasaas culus oo ay is weydaarsanayeen dhinacyadii dagaalamayay.
Magaalada Baydhabo ayaa waxaa dhowaan la wareegay Ciidamo ka tirsan AMISOM, kadib markii ay ka baxeen Ciidamadii Itoobiya ee horay Al-Shabaab ka saaray magaalada.
Dhinaca kale waxaa xalay dagaal kale uu ka dhacay deegaanka Janaale ee Gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii Shabaabka ay weerareen fariisin buundada deegaankaas ku lahaayeen Ciidamada dowladda iyo AMISOM.
Xoogaga Al-Shabaab ayaa kordhiyay dagaalada iyo weerarada bishan Ramadaan, iyadoo Afhayeen horay ugu hadlay uu sheegay inay fuliyeen tan iyo bilowgii bisha Ramadaan iyo bartamihii in ka badan boqol weeraro.