Waxaa maanta magaalada Kampala lagu soo afmeeray shir ay isugu yimaadeen madaxda dalalka ciidamadu kajoogaan Somalia.Kulankan oo maalmo ka hor la sii shaaciyay ayaa waxaa kasoo qeyb galay madaxweynayaasha Kenya,Ugand,Somalia,Ra’iisulwasaaraha Ethiopia iyo wakiilo ka kala socday wadamada kale ee ciidamadu ka joogaan Somalia.
Kulan madaxeed maanta waxaa ka horeeyay oo shalay dhacay kulan ay isugu yimaadeen wasiirada arimaha dibada ee dalalka ciidamada ka joogaan Somalia.Kulankii shalay ee wasiirada arimaha dibada ayaa warar kala duwan kasoo baxayaan.
Ilo wareedyo wargayska The daily monitor uga waramaya kulankaas ayaa sheegay in wasiirada arimaha dibada ee Somalia ay dowlada Kenya ku eedaysay inay faragelin ku hayso arimaha Kismaayo iyadoo faragelintaas ay sababtay in laba koox oo iska soo horjeeda ay halkaa ku dagaalamaan.
Haseyeeshee waxaa warkan beeniyay wasiirka arimaha dibada ee Uganda Sam Kutesa oo sheegay in arimahaas aan kulanka lagu soo hadal qaadin.
Wargeysku wuxuu sheegay in warmurtiyeedkii kasoo baxay kulankii maanta oo ay wada saxiixeen madaxdii kulanka ka qeyb gashay in ciidanka Kenya ay maamulka dekada iyo garoonka diyaaradaha ku wareejiyaan dowlada Somalia.Arintan ayuu wargeysku ku sheegay muran mudo soo jiitamayay oo u dhaxeeyay Kenya iyo somalia.
Qodobada kale ee lagu heshiiyay waxaa kamida in dhoofinta dhuxusha ay mamnuuc tahay lagana dhoofin karin dekada magaalada Kismaayo.
Go’aanka kasoo baxay madaxda dalalka ciidamada kajoogaan Somalia ayaa kusoo aaday xili maamulka Jubaland iyo dowlada dhexe ay ubalansanyihiin wadahadal,lamana oga saameeynta arintan ay ku yeelan karto wadahadaladii loo balansanaa.
Idale News ONline