Aqoonyahanno ka soo jeeda beelaha Digil & Mirifle ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa baaq digniin ah u direy dhamaan hay’adaha ka howl-gala gobolka shabeelaha hoose oo ay ku eedeeyeen in ay gacan bidixeeyeen gargaarkii dadka deegaanka loogu talo galey isla markaasna NGO ay u faa’ideeyaan dad gooni ah oo deegaanka u dhalan.
Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa waxaa tan iyo burburkii dalka 1991 ku soo badanaayey hay’ada NGO ah oo ay maamulayeen dad aan deegaanka u dhalan oo si dadban uga macaashey mashaariicdii horumarineed iyo gargaarkii bani’aadanimo ee dadka gobolkaasi beesha caalamku ugu talagashey. Daawo halka Hoose Baaqa Digniinta ah ee Beelaha Digil & Mirifle ee ku aadan NGO Gobolka Shabeelaha Hoose
Waxaana dadka deegaanka Shabeelaha Hoose gaar ahaan kuwa digil iyo mirifle si cod ugu sheegeen dhamaan hay’adaha NGO yihiin kuwa aan loo dulqaadan karin ayna ka mudaaharaadayaan, isla markaasna masuul aysan ka noqon doonin haddii dhibaato ay ka soo wajahdo dadka deegaanka Shabeelaha Hoose.
Idale News Online