Saynisyahano Kuuriya U Dhashay Oo Sheegay Inay Heleen Dawooyinka Cudurada AIDS, MERS, SARS iyo Ebola

0
232

Soul(INO)-Saynisyahanada dunida oo dhan ayaa wakhtigan isku dayaya in ay joojiyaan dadaalkooda ku aadan helidda dawooyin, ka dib markii Waqooyiga Kuuriya ay sheegtay in ay heshay dawooyin wax ka taraya cudurada AIDS, MERS, SARS iyo Ebola. Dawadan ayaa la sheegay in ay tahay kiniin ay adagtahay in la liqo balse shaki laga qabo dheelitirnaanta waxyaabaha uu ka koobanyahay.

NK

Sanado farabadan ayey cilmi baariyaasha dunidu wakhtigooda u hureen sidii ay dawo ugu heli lahaayeen xanuunada uu ugu horeeyo AIDS-ku , laakiin Waqooyiga Kuuriya ayaa hadda sheegeysa in iyadu ay xalka haysay muddo ka badan 19 sano.

Wadankan yar oo dunida looga yaqaano in uu yahay wadanka ugu sharta badan ayaa sheegay in uu dawadan markii u horeysay soo saaray sanadkii 1996kii sida uu qoray website taageersan dawladda dalkaas oo la yidhaahdo Minjok Tongshin.

Dawladda Waqooyiga Kuuriya weli cadeyn dhab ah umey keenin sheegashadeeda, balse waxaa la sheegay in ay suurtagal tahay in Saynisyahanada dalkaasi ay awood u yeelan karaan in guul ka soo hooyaan dawooyinka xanuunada ay ugu horeeyaan Ebola iyo AIDS oo ay ka sameeyeen dhirdhaqameed , dhir cunto iyo sidoo kale isku jir curiyayaal kale kuwaas oo loo baahnaa si xujadan loogu guuleysto laakiin muddo aaney fahansaneyn saynisyahanada dunidu.

Dawooyinkan ayaa la sheegay in ay yihiin kuwo la isku mudayo waxaana la sheegayaa in ay suurtagal tahay in ay wax ka taraan xanuunada Ebola, AIDS iyo kuwo kale, balse Hay’adda caafimaadka dunida ee WHO ayaa sheegtay iskaba daa in Waqooyiga Kuuriya dawooyin dunida laga waayey ay soo saarto ee waxa ay ku guul dareysatay in ay yareyso tirada kumanaanka dadka ah ee sanadkasta xanuunka TB-da uugu dhinta gudaha dalkaasi.

Idale News Online, Soul.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here