Madaxweynaha Oo Soo Dhoweeyay In La Qaado Xayiraadii Saarneyd Xawaaladaha Kenya

0
250

Muqdisho(INO)— Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhoweeyay tallaabadii dhowaan uu qaaday Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, oo uu kaga dalbaday Bankiga Dhexe ee dalkaasi inuu sameeyo xeerar iyo nidaam saamaxaya dib u furista xawaaladahaKenya ka shaqeeya oo dad badan oo Soomaali ah ay ku tiirsan yihiin.

xasan sheekh

Bankiga Dhexe ee Kenya ayaa maanta ku dhawaaqay inuu dib u fasaxay Xawaaladaha Soomaalida ee horay dowladda Kenya ay xayiraada ugu soo rogtay.

“Aad baan u soo dhoweynayaa go’aanka Madaxweyne Kenyatta uu qaadey, waxaana arrintan ay ka mid ahayd waxyaabihii aan kala hadley dhowaan markii aan ku kulaney Shir Madaxeedkii Midowga Afrika ee ka dhacay magaalada Johannesburg ee dalka Koonfuur Afrika”ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay inuu rajeynayo in Kenya ay degdeg u dhaqangeliso dib u furista xawaaladaha si taasi ay u yareyso saameynta dhaqaale ee go’aanka xirista xawaaladaha ay ku yeelatey nolosha kumannaan Soomaali ah.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in hay’adaha maaliyadda ee Soomaaliya ay diyaar u yihiin inay Kenya kala shaqeeyaan xakameynta lacagaha sida sharci- darrada la isugu diro, si aaney uga faa’ideysan kooxaha argagixisada.

Dowladda Kenya ayaa xayiraad ku soo rogtay illaa 13 xawaaladood iyo akoonad ilaa lixdameeyo ruux oo ay ku eedeysay inay xiriir la leeyihiin Al-Shabaab, waxaana xayiraadan ka dambeysay markii Al-Shabaab ay weerareen Jaamacadda Gaarisa.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here