Ridwan Xaaji C/weli”Waxaan Iska Casilay Xilka Afhayeenimada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya”

0
232

Muqdisho(INO) — Afhayeenkii Xukuumadda Somalia Ridwaan Xaaji C/weli ayaa ku dhaqaaqay maanta oo Isniin ah inuu iska casilay xilkaas, wuxuuna qoraal uu soo saaray oo uu kaga hadlay is-casilaaddiisa iyo xaaladda uu dalku marayo ku yiri.

Ridwaan_Xaaji_Cabdiweli_Somali_Governement

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/06/2015, waxaan si rasmi ah ugu dhawaaqay inaan iska casilay xilkii aan u hayey Qaranka Soomaaliyeed labadii sano ee lasoo dhaafay ee ahaa Afhayeenka Xukuumadda Federaalka Somalia iyo La-taliyaha Warfaafinta ee RWSomalia, Anigoo Warqaddii is-tiqaalada u gudbiyay Ra’iisul Wasaare,  Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke.

“Runtii, Sharaf weyn ayay ii ahayd inaan muddadaasi u soo shaqeeyo Dalkayga, xilligan oo dalku marayo duruufo adag oo aan rajaynayo in Qaranku ka gudbi doono,” ayuu ku yiri qoraalkiisa afhayeenka is-casilay.

Sidoo kale, wuxuu xusay in sababta xilkan aan uga tagay waa mid aniga ii gaar ah. Balse, waxaan ummadda Soomaaliyeed u caddeynayaa inaan mar walba u taagnaan doono ka shaqaynta dhismaha Qaranka iyo u-adeegidda dalka iyo Dadweynaha Soomaaliyeed.

Wuxuu mar kale yiri. “Mudadii aan la shaqaynayey Xukuumadihii kala duwanaa ee ay Ra’iisul Wasaarayaasha ka ahaayeen Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid), Cabdiweli Sheekh Axmed iyo Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, waxaa jiray horumarro la taaban karo oo loo qaaday dhinaca wanaagsan. Dhinacyada uu dalku horumarka ka sameeyey waxaa ka mid ah; Siyaasadda, Amniga, Arrimaha Bulshada, Dhaqaalaha iyo Maal-gashiga.”

Ridwaan Xaaji ayaa xusay in inkastoo horumaradaas la gaaray, waxaa haddana jira caqabado wiiqaya taabbo-galka guulahaasi la xaqiijiyay, haddii aanay Hoggaanka dalka iyo shacabkuba iska-kaashan arrimaha ay ka mid yihiin xoojinta midnimada dadka Soomaaliyeed, ilaalinta xasiloonida siyaasadda, dhiirri-gelinta dib-u-heshiisiinta, adkaynta caddaaladda iyo la dagaalanka musuq-maasuqa, dhismaha iyo tayeynta hay’adaha dowladda iyo ilaalinta xuquuqda shaqaalaha rayidka ah iyo ciidamada iyo weliba abuuritaanka fursado shaqo oo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Soomaaliya waxay ku socotaa jidka horumarka, dimuquraadiyadda iyo dib-u-dhiska, balse si loo xaqiijiyo Hiigsiga Siyaasadeed iyo Himlooyinka Shacabka waxaa loo baahan yahay in madaxdu ay ka dhababeeyaan go’aanka dalka lagu gaarsiinayo doorashooyin xor ah si awoodda dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed, oo iyagu ay soo doortaan cidda hoggaaminaysa ama wakiilka uga noqoneysa siyaasadda dalka. Doorashooyin xor ah oo la gaaro iyo talada oo ay shacabku yeeshaan, waxay horseedaysaa in la helo madax karti leh iyo in laga gudbo nidaamka qabyaaladeed ee dalka ka jira oo aanu arko mid fashilmay oo aan u adeegayn dhismaha qaran Soomaaliyeed iyo masaalixda ummaddeenna,” ayuu mar kale yiri Ridwaan Xaaji.

Ugu dambeyn, wuxuu qoraalkiisa kusoo gaba-gabeeyay. Intaa markaan ka gudbo  waxaan doonayaa inaan halkaan si qalbi furan ugu mahad-celiyo madaxdii, hawl-wadeendii iyo bahda Warbaahinta oo dhammaantood xiriir iyo wada shaqayn wanaagsan na dhex-maray mudadii aan xafiiska joogay. Waxaa kaloo u mahad-celinayaa qoyskayga iyo saaxiibo badan oo igu dhiirri-galiyay inaan qabto shaqadan oo dad badani ay khatar weyn u arkayeen.

Idale News Online, Muqdisho

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here