Baydhabo(INO)-Iyadoo Sida la sheegey Suuqyada magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, lagu iibinayo raashiin dhacey, isla markaana dadka degaanka ay kabanayaan arinataasi ayaa waxa maamulka degmada baydhabo waxay maanta soo saareen digniin ku aadan arintaasi.
Maamulka Gobolka Bay iyo kan degmada Baydhabo ayaa si wada jir ah digniino adag kasoo saaray Raashinka dhacay ee lagu iibiyo Suuqyada Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koofur Galbeed.
Gudoomiye kuxigeenka dhinaca Arrimaha Bulshada Maamulka Baydhabo Sandheere Maxamed Aftiin ayaa u sheegay Warbaahinta inay jiriin raashin dhacay oo si qarsoodi ah loogu iibiyo Suuqyada magaalada Baydhabo isagoona sheegey in tilaabo adag ay ka qaadayaan cidii lagu arko arintaasi.
“Waxaan uga digeynaa Dadka guud ahaan gaar ahaan Ganacsatada inay wax dhacay ka ganacsadaan hadii aan ku helno waxaa ku dhici doona Ganaax adag hadana kormeer ayaan wadnaa” ayuu yiri Gudoomiyaha.
Ugu Dambeyntii, Suuqa Gudey ee Magaalada Baydhabo Khaaaro ku yaalo ayaa la sheegey in ay ka buuxaan Raashin dhacey isla markaana ganacsatada qaar ay doonayaan inay iibiyaan taasoo Dowladda Soomaaliya ayaa marar badan ka digtay.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo