Dowladda China Oo Sheegtay inay Soomaaliya Ka Caawinayso Dhinacyo Badan

0
198

Bejin(INO)-Dowladda China  ayaa sheegtay inay So0maaliya  ka caawinayso arrimo ay ka mid yihiin geeddi-socodka nabadda, iyadoo sheegtay in ay beesha caalamka kala shaqeynayso howlaha lagu doonayo in Soomaaliya ay u gaarto xasillooni, nabad iyo horumar buuxa .

safiika china ee QM

Ergayga joogtada ah ee Shiinaha u jooga Qaramada Midoobay, Liu Jieyi ayaa hadalkan sheegay kaddib markii uu soo dhammaaday kulan looga hadlayay arrimaha Somalia oo xalay yeesheen golaha amniga ee Qaramada Midoobay.

“Xukuumadda Beijing ayaa dib uga furatay Muqdisho safaaraddeedii sannadkii hore 2014-kii, iyadoo ka taageertay So0maaliya gargaarka bani’aadamnimada iyo hannaanka dalka lagu gaarsiinayo nabad,” ayuu yiri Liu.

Sidoo kale eraygu wuxuu xusay in Somalia ay horumar dhanka nabadda ah ku tallaabsatay xilliyadii u dambeeyay, isagoo beesha caalamka iyo sidoo kale xubnaha golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay kula talinayay inay sii wadaan taageerada dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed.

“Waa in Soomaaliya lagala shaqeeyo kor u qaadidda hannaanka siyaasadeed ee dalka iyo dhanka bani’aadamnimada oo aad ay ugu baahan tahay xilligan Soomaalia in laga caawiyo,” ayuu hadalkiisa ku daray Liu Jieyi.

Hadalka ergayga China ee Qaramada Midoobay ayaa kusoo beegmaya xilli ay ku baaqeen wakiillada Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika in lasii xoojiyo howlaha u dhimman dowladda Somalia si dalka loo gaarsiiyo aragtida cusub ee dalku higsanayo.

Idale  News Onlie, Bajin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here