R/wasaare C/weli oo Sheegay In uu Guulo Ka Gaaray Socdaalkii Kismaayo Iyo Barre Hiiraale oo Jawaab Adag Ka Bixiyay Hadalkii Wakiilka IGAD Maxamed Afay.

0
240

Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Muqdisho Cabdiweli  Sheekh Axmed, oo maanta dib ugu laabtay Muqdisho, ayaa sheegay in uu guulo ka gaaray socdaal Siddeed maalmo qaatay oo uu wefti uu hogaaminayaa ay ku tageen  magaalada Kismaayo oo ah caasimada labaad Koonfur Galbeed.

Ra’iisal Wasaare Cabdiweli, oo markii uu ka soo degay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho u waramayay warbaahinta ayaa tibaaxay waa sida uu hadalka u yiriye in ay guulo waaweyn oo wax ku ool ah oo ku wajahan dhinacyada nabadaynta beelaha kuwada dhaqan goballada Jubooyinka ee Koonfur Galbeed Soomaliya ay ka gaareen safarkii ay ku tageen Kismaayo.

Isaga oo sheegay in muddadii uu ku sugnaa weftigiisu Kismaayo ay kulamo isdaba joog ah ay la qaateen maamulka Boobland, madax dhaqameedyadda, siyaasiyiinta, culimadda diinta, Dhallinytaradda, Haweenka iyo dhammaan qaybaha kala duwan ee bulshada Jubbooyinka.

Dhinaca kale Kornayl, Barre Hiiraale, ayaa gaashaanka ku dhuftay hadalo ka soo yeeray Wakiilka urrur goboleedka IGAD, u qaabilsan Soomaaliya Maxamed Cabdi Afay, oo ku sheegay in guulo laga gaaray nabad kuwada noolaanshaha beelaha wada dega Jubooyinka,  isla markaana gacan bir lagu qabanayo cidii nabada diida, Kornayl Barrem waxa uu ku tilmaamay hadalkaa ka soo yeeray Wakiilka IGAD, mid aanay waxba ka jirin oo malo awaal ah, waxaanu xusay in Maxamed Cabdi Afay uu u hadlayo danaha beesha  uu ka soo jeedo oo kaliya, isaga oo tilmaamay in aanu hadalkiisu wax ka soo qaad lahayn oo aanu lahayn awooda jees jeeska ah ee uu sheeganayo.

Cabdi weli kimaayo jooogo

Idale News Online, Muqdisho.