DEG DEG:- Shil diyaaradeed oo ka dhacay Degmada Guraceel ee Gobolka Galgaduud

0
212

Diyaarad Qaad siday oo saakay soo caga dhigatay garoonka diyaaradaha degmada Guriceel ee Gobolka Galgaduud ayaa shil gashay, kadib markii ay ka baxday wadada Run-way ee diyaarada ay caga dhigan laheyd.

Inkastoo aanay diyaarada bur bur gaarin, hadana waxaa la xaqiijiyay inay jiraan qasaare kooban oo diyaaradu gaartay, taasoo ay adag tahay inay duusho.

Gudoomiyaha degmada Guriceel Cismaan Ciise Taar-dhuleed oo saakay la hadlayay mid ka mid ah idaacadaha Muqdisho ayaa sheegay in beylootii diyaarada uu sabab u ahaa shilkan, kadib markii meel aan aheyn meeshii diyaarada ku degi laheyd uu ku dejiyay.

Diyaarad qaad ayay sidaa Ganacsato ayay u raran tahay, Nairobi ayay ka timid, waa diyaaradii subax walba imaan jirtay Guriceel, dhibaatada waxay ka timid dhanka beylootka diyaarada wada oo meesha diyaarada ku degi laheyd meel aa aheyn ku dejiyay Run waygii diyaarada ayay ka baxday”ayuu yiri Gudoomiyaha degmada Guriceel.

Mr Taar-dhuleed ayaa sheegay in diyaarada ay ku sugan tahay meel saddex boqol KM u jirta dharoonka, isagoo tilmaamay in aanay bur bur soo gaarin, ayna bad qabaan beylootii diyaarada, lana bad baadiyay hantida saarneyd.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in aanay suura gal aheyn in diyaarada isla maanta ay laabato, maadaama ay farsamo u baahan tahay, isagoo xusay in shilkan uu yahay kii labaad oo ka dhaca garoonka diyaaradaha Guriceel, waxaana uu cadeeyay in cilada ay tahay dhinaca Beylootka.

Diyaaradaha qaadka sida ee u raran ganacsatada Soomaaliya ayaa maalin walba ka dega garoomo macmal oo ku yaala degmooyinka gobolada dalka, waxaana qaadka ay ka keenaan magaalada Nairobi.breakingIdaleNews

Idale News Online, Guraceel.