R/wasaaraha DF C/wali oo lgu waday in todobadkan uu booqasho ku tago Puntland, ayaa lagu soo waramayaa in safarkaas uu baaqday.
Labo jeer oo hore ayuu socdaal uu Cabdiwali Shiikh ku iman lahaa Puntland ka baaqday taasoo dhabar jab wayn ku ah madaxwaynaha Dr.Cabdiwali Maxamed Cali Gaas oo u diyaar garoobay qaabilaada wafdiga uu Cabdiwali Shiikh hoggaaminayo.
Magalada Garowe waxaa ku sugan wasiiro ka socda DF oo ay ka mid yihiin wasiirka qorshaynta iyo wasiirka tacliinta sare waxayna degan yihiina aqalka madaxatooyadda iyadoona wararka la helayo ay sheegayaan inay labada dhinac wada hadleen.
Wasiirk qorshaynta DF Siciid Cabdilaahi Dani oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa sheegay inuu wanagsan yahay xiriirka Puntland iyo DF taasoo meesha saaraysa khilaafkii labada dhinac u dhaxeeyay.
Arrint sid wayn loo hadal hayo ayaa ah sababta uu dhowrka jeer uga baaqday Ra’iisul wasaraha Somaliya socdaalka uu Puntland ku imaan lahaa.
Idale News Online