Daawo Sawirada: Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed soomaaliya Ee 3da Gobol oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyay Muqdisho.

0
199

Maanta oo ay taariikhdu tahay 22/05/2014 oo ku aadan 23/Rajab/1435 waxaa magaalada muqdiso caasimada soomaaliya booqasho rasmi ku yimid Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer.

Madaxweynaha waxaa Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle International Airport ku soo dhoweeyey Xildhibaanada Dowladda Federaalka Soomaaliya  ee ka soo jeeda deegaanada dowlad goboleedka koonfur galbeed, dadweyne aad u fara badan oo teegeersan dowlad goboleedka koonfur galbeed waxayna isugu jiraan ururada bulshada qeybahooda kala duwan sida haweenka, dhalinyarada, culimaa’udiinka iyo waxgaradka kale ee taageersan dowlad goboleedka koonfur galbeed.

Madaxweynaha  dowlad goboleedka koonfur galbeed Mudane Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer waxaa safarkiisa ku wehlinaya wasiiro ka tirsan xukuumadda dowlad goboleed koonfur galbeed sida: wasiirada Amniga, Qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga, Dekedaha iyo gaadiidka badda, kaluumeysiga iyo kheyraadka badda, Hawlaha Guud iyo Dib u dejita, Waxbarasha, Beeraha iyo waraabka, wasiirka caafimaadka iyo Af-hayeenka Xukuumadda dowlad goboleedka koonfur galbeed iyo xubno kale, sidoo lake waxaa wafdiga madaxweynaha ku soo biiraya maalinta beri ah Madaxweyne ku xigeeka 1aad ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Maxamed Xasan Maxamed Faqi oo hadda booqasho ku maraya gobolka shabeelaha hoose gaar ahaan xarunta gobolka magaalada marka.

Madaxweynaha oo marti qaad rasmi ah ka heley Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, wuxuuna wada hadal la yeelanlanayaa mudada uu booqanayo Magaalada Muqdisho Madaxda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddafederaalka soomaaliya,  Sidoo kale Madaxweyne  Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer Wuxuu la kulmayaa Ergeyga gaarka ah ee Qaramaha midoobey u qaabilsan arimaha soomaaliya Ambassador Nicolas Key.

Madaxweyne Maxamed Xaaji Cabdinuur Madeer Mudada uu joogo magaalada Muqdisho wuxuu wada tashiyo kala duwan uu la yeelan doonaa waxgaradka ka soo jeeda deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee degan magaalada Muqdisho.
3412111098765131415
1817