Wadahadaladii u Dhaxeeyay Maamulka Koonfur Galbeed Ee Gobol Iyo Dowlada DF soomaaliya oo Fashilmay Kadib Markii La Isku Mariwaayay Qodobo iyo Wefdigii Madoobe Nuunow oo isu Diyaarin in ay isaga Huleelaan Muqdisho.

0
190

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo Hidaha iyo Dhaqanka Dhanka Maamulka Lixda Gobol Ee  Koonfur Galbeed Dr. Cali Cabdullahi Isaaq ayaa goordhaweyd usheegay Warbaahinta Koonfur galbeed  inuu fashilmay wadahadaladii Xukuumada iyo maamulka  Koonfur Galbeed  Ee lixda Gobol uga socday magaalada Muqdisho.

Wuxuuna isagoo arrintaa ka hadlaya yiri, “ wadahadalada waxa isu yimid laba guddi farsamo oo ka socday Koonfur Galbeed iyo Xukuumada Muqdisho, waxaana la isku afgartay waxyaabihii laga wadahadlay  oo meelbaa wax la isla dhigay.

Wasiirka ayaa sheegay in markii wadahadalada ay dhamaadeen oo balantu aheyd in heshiiska qalinka lagu duugo, uu Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh dib ka keenaylabo qodob oo xasaasi ku ah Koonfur Galbeed, kuwaasoo kala ahaa:-

  •  In Erayga Dowlad Goboleedka laga dhigo Maamul Goboleed.
  • In Maamulka la Dhameystiro oo Lagu soo daro Maxamed Madeer, xilna laga siiyo maamulka.

Labadaas qodob ayuu sheegay Wasiirka inuu soo jeediyay Ra’iisal wasaare C/weli Sheekh. Madaxda Sare ee Koonfur Galbeedna ay Diideen.

Mar aan su’aal ka waydiinay Wasiirka Kulankii albaabada u xirnaa ee xalay dhexmaray Madaxweyne Xasan, Gudoomiye Jawaari iyo Ra’iisal wasaare C/weli, ayuu sheegay in kulankaa la isku fahmi waayay, ra’iisal wasaarahana uu ku adkeystay labadii qodob uu dib ka keenay, Madaxweynaha Koonfur Galbeedna uu qaadacay.

Wasiirka ayaa warkiisa kusoo gabagabeeyay in galabta ama beri ay ku laaban doonaan Caasimada Koonfur Galbeed ee lixda Gobl  Baydhabo Janaay, balse ka hor intaysan laaban ay qaban doonaan shir jaraa’id oo ay ku faahfaahinayaan waxa ay ku dhamaadeen wadahadaladii u dhaxeeyay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo Xukuumada Muqdisho.

Jawaari iyo KGs

Idale News Online, Muqdisho