R/wasaaraha DF iyo wafdi uu hogaaminayo, ayaa saakay lagu wadaa ineey booqdaan magaalada Jowhar ee Xaruunta Gobolka Shabeelada Dhexe.
Booqashada ra’iisalwasaaraha ayaa la sheegay in ay tahay sidii uu indhihiisa ugu soo arki lahaa mashaariic ay dowlada ka hirgelinayo magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe.
Mashaariicdan ayaa waxaa ka mid ah dhismooyin loo dhisayo xarunta maamulka degmada Jowhar,saldhig boolis, iskuul iyo isbitaal.
Sidoo kale wasaarada beeraha ayaa waxaa ay ka hirgelinaysaa degmada Jowhar howlo isugu jira carro tuur lagu samaynayo wabiga Shabelle iyo dayactir lagu samaynayo kanaalada ay burburiyeen fatahaada wabiga Shabelle.
News Online, Jowhar