Wararka ka imaanaaya Magaalada Baydhabo ee
Gobolka Bay, ayaa waxay sheegayaan in uu xaley dab ka kacay
sandaqadaha ganacsi ee ku hareereysan Kawaanka Magaalada
Baydhabo.
Dabka oo bilowday 11:00 habeenimo ee caawa, ayaa waxaa la soo
sheegayaa in uu socdo muddo hal saac ka badan, iyadoo ay dadka
reer Baydhabo la tacaalayaan, sidii loo baqtiin lahaa.
Inkastoo Magaalada Baydhabo aynaan lahayn dab damis, ayaa
waxaa hadana jira booyado ay dadka Deegaanka lee yihiin, oo
lagula tacaalaayo daminta dabkaasi.
Ganacsatada iyo boqolaal ka tirsan shacabka reer Baydhabo, ayaa
waxay ka qayb qaadanayaan, sidii dabkaasi loo damin lahaa, inta
aanu ku sii fidin goobo hor leh.
Masuuliyiinta Gobolka iyo midka Degmada oo gaaray Suuqa caawa
gubanaaya, ayaa waxay askartoodu amrayn in ay ka qayb qaataan
daminta dabka qabsaday sandaqadaha ganacsi ee ku gadaamsan
Kawaankii Baydhabo.
Maxamed Isaaq Ibraahim (Aflow), Madaxa Maaliyada ee Maamulka
Baydhabo, ayaa warbaahinta KG soomaaliya u sheegay in aanu dabka iminka u
xooganayn, sidii uu ahaa 30 daqiiqo kahor.
mr.Aflow ayaa wuxu kaloo sheegay inaan la aqoon waxa sababay
dabkaan, oo geysanaaya khasaaro maaliyadeed, isla-markaana
majirto sida uu yiri dad wax ku noqday, ilaa iyo iminka inta la
ogyahay.
Idale News Online, Baydhaba Janaay.