Golaha Wasiirada Maamulka 3da Gobol Ee Koofur Galbeed oo dhawaan la soo Magacaabayo.

0
207

Baydhabo -Madaxweynaha Maamulka 3da Gobol Ee  Koofur Galbeed Soomaaliya Max’ed Xaaji Cabdi Nuur oo  Wareysi siyey warbaahinta gudaha dalka  ayaa sheegay in dhawaan uu soo Magacaabayo Golaha Wasiirada Maamulkaasi.

Max’ed Xaaji Cabdi Nuur Madaxweynaha Seddexda Gobol Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya ee Shabeelaha Hoose , Bay iyo Bakool ayaa sheegay in maalmihii dambi uu waday wada tashiyo arrintaasi la xiriirtaa.

waan uga Mahad Celineynaa sida ay noola shaqeynayaan qeybaha Bulshada waxa ay na soo gaarsiiyeen fariimo kala duwan oo talooyin iyo Codsiyo isugu jira” ayuu yiri Max’ed Xaaji Cabdi Nuur Madaxweynaha Maamul Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Maamulkaan Seddexda Gobo lee Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa muddooyinkii dambe waxaa isi soo tarayay taageerada xoogan ee loo muujinayo Maamulkaasi.

Madaxweyne Maxamed xaaji

Idale News Online, Baydhaba