Rajab Dayib Erdogan oo sheegay in weli aan la fulin heshiiskii ay la galeen Hoggaamiyayaasha Mucaaradka.

0
199

jj

Ra’iisul wasaaraha dalka Turkiga Rajab Dayib Erdogan oo shalay la kulmay mucaaridka dibedbaxa dalkaasi ka waday dhawr iyo tobankii casho ee ina dhaafay ayaa heshiis ku gaaray in aaney dawladu jarin dhir ku taal beer dhacda bartamaha Magaalada Istanbul oo dawladu dooneyso in ay ka dhisto dhismeyaal ganacsi.

Hogaamiyeyaasha mudaharaadeyaasha ayaa sheegay in aan la rumeysan karin in xukuumadu ay fulineyso balan qaadyadeeda oo loo baahan yahay in la bedbaadiyo beerta.

Ra’iisul wasaaraha Turkiga Rajab Dayib Erdogan ayaa kulan uu la yeeshay mudaharaadeyaasha waxa uu ku balan qaaday in shacabku u codeyn doonaan in beerta la dhiso iyo in kale.

Ra’iisul Wasaare Erdogaan ayaa ku dhiiri geliyay dibedbaxayaasha in ay fuliyaan balamihii ay qaadeen,hadii taa la waayona waxa uu sheegay in awood looga saari doono mudaharaadeyaasha beerta Teksim.

Ugu dambeyntii, Qalalaasaha Turkiga ka socday todobaadyadan danbe ayaa sabab culeys dhaqaale oo faro badan,oo hadii aan la joojin qaska keeni kara in dhaqaale burbur uu ku dhaco Turkiga.

Idale News Muqdisho