Qarax Khasaara ba’an geystay oo lala eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Degmadda Wanlaweyn

0
222

uyuy

Wararka naga soo gaaraya Degmada Wanlaweyn ee Gobalka Shabeelaha hoose ayaa sheegaya in Qarax qasaara geystay lala eegtay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka  Degmadda Wanlaweyn xilli ay halkaasi socdaal ku maraayen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in Qaraxa uu ahaa Miino nooca ramuudka lagu hago oo dhulka lagu aasay.

Qaraxa ayaa waxaa ka dhashay Khasaara ba’an iyadoona ay wararku sheegayaan in Mas’uuliyiintaasi uu qaraxa saameeyay.

Guddoomiye ku-xigeenka Degmada Wanlweyn Nuur Axmed, ayaa waxa uu sheegay in Qaraxa uu ahaa mid Khasaara geystay, waxa uuna guddoomiyuhu ka gaabsaday inuu Faahfaahin ka bixiyo Khasaaraha Qaraxaasi ka dhashay.

Sidoo kale, waxa uu Tilmaamay Guddoomiyaha in Qaraxa uu ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso,khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay qaraxaasi oo faah-faahsana ayuu sheegay inay dib ka soo sheegi doonaan.

Idale News Muqdisho