Sida ay ii xaqiijiyeen wariyeyaal madax banaan oo kusugan magaalada Jowhar ayaa waxaa lagu soo waramayaa inuu ka biloowday dagaal aad u qaraar oo u dhaxeeya maamulka Gobolka Shabeelada dhexe iyo waliba dadka degan tuulada Geedo Barkaan.
Saaka ayay ahayd markuu afar qofood oo mid haweenay ahayd oo xoolo dhaqato ah lagu dilay agagaarka magaalada Jowhar meel 7 km u jirta dhanka bari laguna magacaabo Weeydoow.
Dhimashada dadkaasi ayaa keentay in maamulka gobolka uu tilaabo qaado isagoo dabagal kusameeyey dadkii ka danbeeyey waxaana ay u roqaansadeen dhanka waqooyi ee wadada aada dhanka iyo tuulada Sabuun.
Waxaana ay la kulmeen dagaal ay kala kulmeen dadka degan deegaanka Geedo Barkaan oo 7 km wax ka yar u jirta magaalada Jowhar.
Dagaalka ayaa sii siyaadaya waxaana dagaaalka uu haatan u dhaxeeyaa ciidamada dowlada iyo dadka degan tuulada Geedo Barkaan.
Wali lama shaacin qasaaraha dhabta ah ee ka danbeysa dagaalada, waxaana sii siyaadaya dagaalka ka soconaya aagaasi.
Dagaaladaani ayaa daba socda nin habeen hore lagu dilay magaalada Jowhar gudaheeda, iyadoo dilka dadka maanta la dilay ay daba socoto dhimashada habeen hore oo aana qabiil ah.
Maamulka gobolka ayaa xabsiga dhigay nabadoono ka tirsan magaalada Jowhar iyadoo wali ay xabsiga ku jiraan, magaalada Jowhar-na dhanka bari eee xaafada horseed waxay wali kusugan yihiin baandoow haben iyo maalin ah, dadka qaarkiis ayaa waxay isku karsanayaan Bariis iyo biyo iyadoo aysan lahayd quutul daruurigii suuqa laga doonan jiray. Waxaana shacabka reer Jowhar u badan dad garab rarato ah oo aan haysan nolol maalmeedka iyagoo soo dhacsan jiray maalin waliba waxay cunayaan.
Idale News Muqdisho