Daawo Sawiradda: Aroos 5-Milyan Oo Dollar Ku Kacay oo Loo Qabtay Gabadh Uu Dhalay Madaxweynaha Zimbabwe.

0
228

Gabadhan oo sida la sheegay kaligeed wax carruur ah u ah Madaxweynaha Dalka Zimbabwe, laguna Magacaabo, Bona, waxa ay u dhaxday nin lagu magacaabo, Hakora, xaflada arooskooda ayaa lagu qabtay, qasriga Madaxweynaha ee dalka Zimbabwe kaas oo lagu tilmaamo ka ugu wayn uguna quruxda badan qasriyada Mugabe ku leeyahay magaalada Harare.

Marti sharafeed boqolaal tiradoodu gaadhayso ayaa lagu soo casuumay xaflada arooska Gabadha uu dhalay Mugabe, waxaana ka mid ahaa Madaxweynayaasha Konfurta Afrika Jacob Zuma, Madaxweynaha Equatorial Guinea, Teodoro Obiang Njima iyo Madaxweynaha Zambia, Michael Sata, waxa kale oo ka mid ah Marti sharafeeda kale ee arooskaas lagu soo casuumay, madaxweynayaal iyo hogaamiyayaal tiro badan oo hore .

dunida iyo afrikaba uga talin jiray, madaxda diimaha iyo ganacsato dunida caan ka ah
Arooskan ayaa sida shabakada wararka dalka Zimbabwe ee (Zimbabwenews.com), ku warantay, ayaa ku kacay aduun lacageed oo dhan, shan milyan oo dollarka Maraykanka ah, lacagtaas oo sida wakaaladaha wararka dunidu ku warameen u dhiganta lacagtii ku baxday dhismaha Madaarka caasimadda Harare oo noqonaya ka ugu dhabaha (Runway)-ga Dheer Afrika,s25 s34 s64 s74 sr11I

Idale News Online, Haraarey.