Muqdisho(INO)-Qaramada Midoobay ayaa ka digtay xaalad nabadgelyo darro oo ka jirta degaanada maamul goboleedka Puntland kadib qaraxii ka dhacay magaalada Garowe ee xarunta maamulkaasi oo shaqaale ka tirsan UN-ka lagu laayay weerarkaasi.
Madaxa isku xirka howlaha gargaarka Soomaaliya Philippe Lazzarini ayaa New York ka sheegay in Puntland ay u baqooleen dagaalyahanada ALshabaab ee culeyska kasoo wajahay Koonfurta Soomaaliya, wuxuuna intaas raaciyay in Qaramada Midoobay ay ula dhaqmi doono degaanada Puntland hadba xaaladda ku soo kororta oo ay qiimeyn doonaan.
Mas’uulka QM ka tirsan wuxuu xaalada Soomaaliya ku sifeeyay mid ka mida kuwa adduunka ugu liita ee xaalad degdeg ahi ka jirto, iyadoo colaado joogto ah, weeraro iyo baahi weyn ka jirto dalkaasi. wuxuuna intaas ku daray in 740,000 ruux aanay heysan quud ku filan oo u baahan yihiin gargaar, halka 200,000 caruur ah ay heyso nafaqo darro ba’an.
Dhinaca kale warbaahinta taabacsan Al-shabaab ayaa sheegtay in dilkii Xildhibaan Saciid Dirir oo ka tirsanaa Golaha wakiilada Puntland ay ka danbeeyaan Al-shabaab. Xildhibaanka ayaa xalay lagu dilay Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.
Kooxda Al-shabaab ayaa digniin u diray mas’uuliyiinta iyo Saraakiisha Puntland, iyadoo ugu goodisay in meel waliba ay ku ugaarsan doonaan.
Idale News Online, Muqdisho