Daawo:Dowlada Ruushka Oo Maanta Soo Bandhigtay Dhoolatus Argagax Galiyay Dalalka Reer Galbeedka

0
293

Moso(INO)-Dowladda Ruushka ayaa maanta u dabaal degtay 70-guuradii ka soo wareegatay guusha ay ka gareen dagaalkii 2aad ee Adduunka ee Nazigii Jarmalka, waxaana fagaaraha Kramelin-ka ee magaalada Moscow lagu soo bandhigay dhoolatus milateri iyo cududa ciidan iyo qalab ee ay Ruushka leeyihiin.

Dabaal degan oo ahaa mid heerkiisa sareeyay ayaanay ka soo qeyb galin madaxda reer galbeedka, sababo ku aadan fara gelinta Ruushka ee Ukraine.

Laakiin waxaa taa bedelkeed Ruushka ku casuumay Madaxweynaha Shiinaha Xi Jinping iyo xaaskiisa, waxaana dhoolatuska milateri markii u horeysay ka qeyb qaadanayay Askar Shiinees ah.

Sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Kazakhistan iyo Madaxweynaha Venezeula Nicolas Maduro oo ay aad isugu xun yihiin Mareykanka iyo Madaxweynaha Zimbabwe Robert Mugabe.

Ruushka ayaa dhoolatuska milateri ku soo bandhigay gaadiidka xambaara hubka waa weyn iyo nuuc cusub oo Taangi ah oo lagu magacaabo T-14, waxaana taangigan uu yahay mid dheereeya oo waliba ah nuuc casri ah.

Diyaaradaha dagaalka Ruushka leeyahay ayaa qeyb ka ah dhoolatuska, iyadoo hawada sare duulayay, isla markaana bixinayay calaamado midab kala duwan leh oo uu ka mid yahay Calanka Ruushka.

Madaxweynaha Ruushka Vladamir Putin ayaa tacsi iyo xushmo u diray halyeeyadii Ruushka ee kaga geeriyooday dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana uu mar kale muujiyay doorka Ruushka ku leeyahay Caalamka.

Madaxweynaha Shiinaha ayaa bilado u xiray askartii Ruushka uga qeyb gashay dagaalkii labaad ee Adduunka, waxaana uu si la mid ah dagaalkii Ruushka kula jiray uu isna xusay dagaalkii ay Japan la galeen.

Ruushka ayaa dagaalkii labaad ee Adduunka ee isaga iyo xulafada Yurub kula ahaa waxaa uga geeriyootay ilaa 26 milyan oo isugu jiray rayid iyo ciidan.

ruushka (11)ruushka (10)ruushka (9)ruushka (8)ruushka (7)ruushka (6)ruushka (5)ruushka (4)ruushka (3)ruushka (1)ruushka (2)Idale News Online, Mosow

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here