Beledweyne(INO) Gudiga qaban qaabada shirka dib u heshiisiinta beelaha wada daga gobolka Hiiraan ayaa ka warbixiyey halka uu marayo shirka iyo xildhibaano ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya oo gaaray magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Gudoonka shirka ka socda Beledweyne Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa sheegay iney shirka ku sugan yihiin 8 beelood oo daga gobolka Hiiraan,wuxuuna qiray iney jiraan Beelo shirka ka maqan isagoona ugu baaqay iney shirka kusoo biiraan.
Nabadoon Axmed Cabdulle Jimcaale ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay caan ku yihiin isku tanaasul iyo istixgalin,wuxuuna ku booriyey bulshada gobolka Hiiraan iney ka shaqeeyaan nabadaynta iyo aaya ka talinta gobolka Hiiraan.
Nabadoonka ayaa si gaara baaq ugu diray beelo Soomaaliyeed oo daga gobolka Hiiraan kuwaasoo hore ugu dhawaaqay iney shir dib u heshiisii ah ka fureen deegaanka Deefow,wuxuuna ugu yeeray iney kasoo qabygalaan shirka Beledweyne wixii ay tabanayaan ay soo bandhigaan,wuxuuna ku celceliyey iney diyaar u yihiin daweynta walaalaha aan qanacsaneen.
Wuxuuna dhanka kale qiray in khilaafka ka dhx jira masuuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan ay saamayn ku yeelatay shirka ay hada u fadhiyaan ee lagu heshiisiinayo beelaha gobolka Hiiraan.
Halkan Ka Dhageyso.
Idale News Online, Baledweyn