Baabuur waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa goordhow ku qarxay meel u dhow taalada Sayidka ee ku dhow dhismaha baarlamaanka ee magaalada Muqdisho, sida ay xaqiijiyeen dad goobta ka dhow.
Qaraxan oo baabuurka ka dhashay ayaa la sheegay inuu dhacay kadib markii baabuur la soo dhexgaliyey goob baabuurta la dhigto oo ku dhow taalada Sayidka. Ma cadda wax khasaare ah oo ka dhashay qaraxaasi oo jugtiisa si weyn loo maqlayey.
Xilliga uu qaraxu dhacayey waxaa bilawday kulan ay maanta leeyihiin mudanayaasha baarlamaanka federaalka kaasoo saaka u bilawday ayna kaga hadlayaan xisaabxirka xukuumadda sanadka 2013.
Ma jirto cid k hadashay qaraxan, iyadoo amaanka magaalada si weyn loo adkeeyay isla markaana ay jiraan digniino ku aadan in Al Shabaab ay qaraxyo ka geysan karaan caasimada inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.
Idale News Online, Muqdisho.