Faallo Xiiso Badan: Ii Dhis ka dibna ii Nadiifi

0
209
Waxaan maqli jiray Arrad waa dan laakiin Uskag waa dadnimo xumo.
Turkey waxay noo dhistay waddooyin. Waxay u sameysay nalal aad u iftiin badan. Sax ma kula tahay in haddana loogu daro in ay qashinka iyagu ka qaadaan waddooyinka? Maxaan markaa isku tilmaannaa haddaan nahay Soomaalida Muqdisho ku nool?
Waan qirayaa in ay jiraan Soomaali ka shaqeysa nadaafadda Muqdisho, xushmadna waan u hayaa. Laakiin weli waxaan arkaa Turki ka shaqeyneysa nadaafadda Muqdisho sidii in ay naga reer Xamarsan yihiin ama ay naga Soomaalisan yihiin.
Dad badan ayaan weydiiyay sababta. Kamase helin jawaab aan ku qanco.
muq21 

Waxaa jawaabta ii sheegay dhagxaan, loox iyo muraayado. Waa derbiyada dhaadheer ee shubka  ah iyo muraayadaha quruxda badan ee dhismayaasha magaalada ku yaalla iyo kuwa kale ee hadda la dhisayo.

Waxay ii sheegeen in dadka Muqdisho ay ku fara adeygaan, horumariyaan, aadna u naashnaashiyaan hantidooda gaarka ah.

Waddooyinka magaaladuna waxay ii sheegeen in dadka Muqdisho aanay dan ka lahayn waxa iyaga ka dhexeeya oo ay u arkaan wax aanay iyagu lahayn.

Haddii waddooyinka naloo dhiso, oo nalal nalookugu sameeyo, sow nalama gudboona in aan annagu nadiifsanno
Idale News online.