Dad goobjoogeyaal ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in qaraxa uu dhaawac culus kasoo gaaray Guddoomiye ku-xigeenka Shabelada Hoose Axmed Cumar Mudan.
Dhaawaca Masuulka oo ah mid laga deyrinaayo ayaa la geeyay Isbitaalada Muqdisho, waxaana burbur xoogan gaaray gaari ula socday. Lama oga in uu jiro khasaare intaan ka balaaran oo uu geystay qaraxa.
Wararka ayaa sheegaya in Axmed Cumar Mudan Qaraxa loogu xirey gaarisgiisa kadibna lala eegtey xili uu saarnaa gaariga. halka warar kale sheegayaan is isaga qudhiisu uu ahaa nin doonayey in uu fuliyo qarax ismiidaamin ah oo uu watey gaari ay ka buuxan waxyaabaha qarxa, kadibna uu isaga ku qarxay, ma jirto cid ka tirsan dowladda oo si rasmi ah uga hadashey wararkan is bar-bar yaacaya.
Idale News Online