Jarmalka oo Tababar siinaya Ciidamada Doowlada Soomaaliya.

0
187

Dowlada Jarmalka ayaa sheegtay in ay ka qeyb qaadaneyso tababarrada la siinayo ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya si loo xoojiyo cududda ciidanka.

Wasiirka Gaandhigga Dalka Jarmarla Orizela ayaa sheegtay in dowladdu Jarmalku ay waddo qorsheyaal ay ciidamadeedu uga qeybqaadanayaan tababarrada la siinayo ciidamada XDS, kaas oo qeyb ka ah tababarrada ay bixiyaan Midowga Yurub.

Sidoo kale haweeneyda wasiirka Gaashaandhigga ka ah dalkaasi ayaa tilmaantay in ciidamada Jarmalku ay ka mid noqon doonaan kuwa Midowga Yurub ee tababarrada siiya ciidamada Soomaaliya.

Wasiirka ayaa xusatay in ciidamadani ay howsha bilaabi doonaan bisha April, kadib marka ay ogolaasho ka helaan baarlamanka dalkaasi.

Tan iyo sanadkii 2010-ki ayaa Midowga Yurub waxa uu tababarro siinayay ciidamo ka tirsan XDS,  kuwaas oo gaaraya ilaa 3500 waxeyna tababaradaasi ku qaateen dalka Uganda.

jarmal

Idale News Online.

Xigasho:RM