Turkiga oo isbitaal weyn ka dhisaaya Garowe, balaarinna ku sameynaaya dekada Bosaaso

0
207

Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Eng. Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar ayaa fasiray hiigsiga dowladda cusub iyo himilooyinka ay ka leedahay dhanka waxbarashada, caafimaadka iyo is bedelka ciidamada.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa tilmaamay in muhiimada ugu wayn ay markasta tahay nabadgelyo awood badan oo la helo, wuxuu sheegay in dhanka ciidamada la ilaalin doono helista xuquuqda iyo daryeelkooda.

“Waxaan danaynaynaa inaan bixino mushaarkooda iyo xuquuqdooda.” Eng. Camey ayaa sidaas ka sheegay furitaanka shirka ururrada rayidka Puntland oo shalay ka bilowday magaalada Garoowe ee caasimada Puntland.

Madaxweyne xigeenka ayaa sidoo kale ku celiyey balanqaadkii madaxweynaha ee ahaa in dhamaan dugsiyada hoose iyo dhexe laga dhigi doono lacag la’aan si caruur badan uga faa’iidaystaan waxbarashada asaasiga ah.

Docda kale, dowladda Turkiga ayaa u balanqaaday Puntland dhismaha cisbital wayn oo laga dhisi doono Garoowe, madaxweyne ku xigeenka oo ka hadlayey arrimaha caafimaadka ayaa sheegay in laga maarmi doono baahida caafimaad ee dibeda loo aado.

“Caafimaadka is bedel ayaan ka samaynaynaa waxaan ku rajo waynahay in cisbitaalo waa wayn laga dhiso gudaha si loo meeleeyo baahida caafimaad ee dadka.” Ayuu yiri Madaxweyne xigeenka oo xaqiijiyey in cisbitalka ugu horeeya uu dhisi doono Turkigu.

Ugu dambayntii, madaxweyne ku xigeenka ayaa balanqaaday in dowladdu si dhow ula shaqayn doono howlaha ururrada bulshada isla markaasna la socon doonto baahida dadka ee dhan walba, Eng. Cameey ayaa ku celceliyey in ay fulin doonaan balanqaadyada

puntland

Idale News Online, Garowe, Puntland