Jubba(INO)-Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa walaac ka muujiyay guul darada ay Madaxweynaha Sudanta Koonfureed Salva Kiir iyo hogaamiyaha Mucaaradka Riek Machar ay ku guul dareysteen inay dhameystiraan heshiis nabadeed oo laga dhex waday.
War qoraal ah oo Goluhu uu soo saaray Talaadadii shalay ayaa mar kale u hanjabay shaqsiyaad sare sare oo lagu tilmaamay inay masuul ka yihiin ficilada iyo siyaasadaha halista ku ah, nabadgelyada, amaanka iyo degenaanshaha Sudanta Koonfureed.
Dagaalka ka socday dalkaasi curdanka ah ee dhaca bariga qaaradda Africa ee saliidda hodanka ku ah ayaa waxaa ku dhintay kumanaan kun oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan laba malyuun oo qof.
Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa doonaya xasilooni siyaasadeed ee deganaansho nabadgelyo oo ka dhacda dalka Koonfurta Suudaan.
Dalkaan Curdunka ah ee ugu dambeeyay dalalka dunida ku soo biiray ayaa durba hanaqaadkiisi la koowsaday dagaal culus oo shacabka dhibaatooyin kala gedisan ay kasoo gaartay.
Idale News Online, Jubba