Baydhabo(INO)-Waxa maanta booqasho ku tagey xarun lagu dhaqan celinayo, meleeshiyaad ka soo goostey kooxda mayalka adag ee soomaalida Al-shabaab wasiirka wasaaradda hub ka dhigista, dhaqan celinta iyo tababarada maleeshiyaadka ee dowlada Koonfur Galbeed Soomaaliya Mudane Xasan Xuseen Maxamed iyo Ku Xigeenka Danjiraha Qaramada Midoobey ee soomaaliya Mr.Raisedon Zenenga iyo gabar ka socotey Xafiiska Hay’ada ILO ee somalia.
Xunta booqashadu ay ku tageen wasiirka iyo Ku Xigeenka QM ee soomaaliya iyo Gabar ka Socotey Hay’ada ILO ayaa waxa ku jirey Rag ka soo goostey kooxda Al-shabaab isla markaana haatan lagu dhaqan celinayo Xaruntaasi.
Waxana halkaasi ku soo dhaweeyey saraakiil ka tirsan dowlada koonfur Galbeed soomaaliya isla markaana gacanta ku haayo, xaruntaasi, iyagoona wax bixino ka dhageystey, horjoogiyaashada Xaruntaasi.
Hadal kooban uu halkaa ka jeedey wasiirada wasaarada Hub ka dhigitsa, Dhaqan celinta iyo tababarada Maleeshiyada ee dowalada Koonfur galbeed soomaaliya mudane xasan xuseen maxamed ayaa sheegey in wasaaradiisu mar weliba ay u taagan tahay daryeelka iyo dhaqan celinta qof kastoo ka soo goosta kooxda al-shabaab oo dagaal adag kula jirto Dowlada Soomaaliya iyo weliba Ciidamada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee Soomaaliya, isla markaana waxa uu tilmaamey in wasaaradisu ay soo dhaweynayso ragga ka soo goosta Al-shabaab, qaata nabada.
Sidoo kale Wasiirka hub-ka-dhigista dhaqan-celinta iyo tababarada maleeshiyooyinka ayaa sheegay in dhallinyarada hadda ay u socdaan tababarrada laga dhigi doono ciidammo Difaaca Degaanada Dowlada Koonfur-galbeed, lagana warqabi doono.
Ugu dambeyntii waxaa la filayaa in QM iyo Hay’ada ILO ay door weyn ka ciyaaraan taagyeero dhaqaale oo lagu dhaqan celinaayo iyo Sidoo kale na lagu tababaro maleeshiyaadka Ka Soo Goosto Kooxda Al-shabaab.
Idale News Online, Xafiiska Baydhabo.