Dhacdo Halis Ah Oo Ka Dhacday Kismaayo Ee Gobolka Jubba Hoose

0
218

Kismaayo(INO)-Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubadda Hoose waxaa habeenkii xalay ahaa ka dhacday dhacdo halis ah, iyadoo tani aad looga hadal haayo dhamman xaafadaha magaalada Kismaayo ay kakooban tahay.

Mid ka mid ah ciidanka maamulka Jubba ayaa la sheegay in uu dilay Haweeney lahayd uur Sagaal bilood ah, ka dib markii la sheegay in isaga uu horay u qabi jiray.

Lama Oga waxa dhex maray ka hor dilka, hase ahaatee waxa uu tagay hoygii ay ka deganeyd magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in rasaas uu ku furay, halkaasina ay ku dhimatay.

Goobta ayuu askarigaasi ka baxsaday, balse ciidamada Jubbaland ayaa howlgal deg deg ah ay sameeyeen ka dib waxay ku guuleysteen inay soo qabtaan askarigaan oo saldhiga Kismaayo ku xiran.

Idale News Online, Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here