Shiikh Xasaan & Xaaskiisa oo kamid ah dadkii ay ciidamada Kenya ku qab qabteen Xaafada Eastleigh, ayaa shalay maxkamad ku taal magaalada Nairobi, waxay kusii deysay lacago damiin ah. Ciidamada amaanka Kenya, ayaa sheegay in Shiikh Gurigiisa ay kasoo heleen 2 Xabo oo Bambaanooyinka gacanta laga tuuro ah.
Shalay oo Khamiis ah ayay ahayd in Shiikha oo kasoo muuqdo Maxkamada Nairobi, laakiin waxaa lagu sii daayay lacago damiin ah. Shiikha ayaa diiday oo beeniyay dhamaan eedeeymaha loo soo jeediyay, waxaana hada uu ku jiraa Xabsi Guri.
Xeer ilaaliyaha guud ee maxkamada Nairobi Isaiah Mwirega, ayaa sheegay in Boolisku ilaa iyo hada aysan keenin cadeeymo muujinaya in Xasaan gurigiisa Hub laga helay.
Idale News Online.