[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/04/faraxMacalin.mp3|autostart=yes]
Farah Macallin oo ahaan jiray guddoomiye ku xigeenkii Barlamaanka Kenya, ahna siyaasi dhaliila dawladda oo si cad u cambaareeya dagaalka kenya ay sheegto in ay kula jirto argagixisada ayaa maalmahan si kulul uga hadlayey raafka iyo qabqabshada ciidamada Kenya ay ku hayaan dadka sida sharci darida ah ku jooga dalka, siiba somalida.
Maanta ayaa looga yeeray xarunta booliska ee la dagaalamaya argagixisada ee dalka Kenya.
Markii uu kasoo baxay xaruntii booliska ee su’aalaha lagu weydiinayay ayaa waxaa studio bbc Nairobi ku wareystay wariyahayaha Axmed Xaaji Xassan oo weydiiyay waxa ay booliska weydiiyeen.