AMISOM oo lagu Eedeeyey in ay Dad Shacab ah ku Dishay MarkaCaddey.

0
193

shalay Magaalada Marka ee Xarunta Shabellaha Hoose waxaa ka dhacay Qarax loo dhigay Ciidamada AMISOM ee Soomaaliya jooga.

Teaser Image AMISOM oo lagu Eedeeyey in ay Dad Shacab ah ku Dishay Marka

Ciidamada AMISOM ayaa la sheegay in Magaalada ay Dad Shacab ah ku laayeen,kadib markii Qaraxa loo dhigay ay Rasaas Dhankasta u Rideen.

Gudoomiyaha Degmada Marka Max’ed Cismaan Yariisow oo KON la hadlay ayaa sheegay in ugu yaraan Rasaasta ay Fureen Ciidamada AMISOM ay Dishay Labo

Ruux 5 kalena ay Dhaawacday.

Yariisow ayaa intaa ku daray in AMISOM aysan Xaq u laheyn in ay Xasuuqdo Shacabka Soomaaliyeed,oo awalba Dhibaato ay Al-shabaab ku hayaan la Daala dhacayey.

“Taliska AMISOM iyo Madaxda Dowladda Soomaaliya waxaan ka rabnaa in AMISOM ay Magdhaw siiso Dadkii ay ku Xasuuqday Magaalada Marka.

Ciidamada AMISOM ayaa tan iyo Markii ay Soomaaliya yimadeen waxaa ay Geeysteen Xasuuq iyo Xad gudubyo ay Shacabka Soomaaliyeed ugeeysteen

Idale News online – Marka.