Dhageyso: M/weyne ku xigeenka KG Fiqi oo u jawaabey Goodax, sheegayna in wasiirka warqad hore oo taageero ah ay ka haayaan…

0
210

Waxii ka dambeeyay markii dowlada Soomaaliya ay aqoonsatay maamulka Koofur Galbeed ee Soomaaliya waxaa soo baxayay dadka mucaaradaya aqoonsigaasi.

fiqi

Wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay in waxba uusan u arkin aqoonsiga dowlada Soomaaliya ay siisay maamulka seddexda gobol ee koofur galbeed Soomaaliya.

[audio:https://www.idalenews.com/wp-content/uploads/2014/06/fiqiKG.mp3|autostart=yes]

Arintaasi waxaa maanta ka jawaabay madaxweyne ku xigeenka maamulka seddexda gobol ee Koofur Galbeed, isagoo sheegay in hadalkaasi uusan xagooda uga fadhinin wax weyn.

“Bilooyin ka hor wuxuu noosoo diray warqad ah inuu na taageersan yahay walina waan haynaa, hadda inuu hadalkaasi soo jeediyo waa wax lala yaabo, laakiin haddii ay qaaday caadifad qabiil iyo dalabkii beelaha Hawiye ma sheegin”sidaasi ayuu yiri Maxamed Xasan Fiqi.

Wuxuu sheegay in wasiirka uu kamid ahaa dadkii u ololeynayay in seddexda gobol la isugu yimaado oo la taageero maamulka seddex gobol ee koofur galbeed.

Dhanka kale Madaxweyne ku xigeenka maamulka Koofur Galbeed Soomaaliya ayaa ku baaqay in beelaha hawiye aan loo adeegsan dagaalada ka dhacaya gob0lka Shabeelaha Hoose.