MICNAHA MURTIDA: (Talada aan la rog rogin, la isla jilcin, laga baaraan degin, fudeyd laga ilaalin, la isla sixin, la isla qaadan, la isla guddoonsan, meel marinteedu way adkaataa, waxaana meeshaasi laga filan karaa ceeb iyo kala tag)
“TALO LAAB LA KAC KU KEEN GO’AAN LAAB LA KAC KU GAAR
WAA ADOO TUB KHALDAN MAROO TIRIYOO WAA TANAA TUBTII”.
Qowmiyadda digilmirifle waxay leedahay tariikh dheer oo si weyn loo yaqaano oo aan daah saarneyn, ka hor qeybsigii qaarada afrika, xiliyadii gumeysiga, waqtiyadii xurnima doonka iyo ka dib markii xuriyada la qaateyba, waxayna ahayd qowmiyad ku faanta midnimo sal adag iyo isku duubni, taasi oo ka dhalatey caadooyinka ay qowmiyaddu lahayd iyo dhaqanka suuban ee ku saleysan is xurmeynta iyo is qadarinta.
Hasa yeeshee mudooyinkaan dambe ayaa soo if baxaya lana arkayaa lana maqlayaa waxyaabo aan ka mid ahayn dhaqanka suuban ee qowmiyadda DM, waana dhaqamo soo galooti ah, oo aan DM loo nisbeyn Karin, dhaqamada soo galootiga nagu ah ee aan looga baran bulshada DM, waxaana ka mid ah in la is xasdo, la is ficlo, la yiraahdo hebel xaq uma lahan xilkaasi in uu qabto, hebel nama meteli karo iyo wax la mid ah.
Sidoo kale ceebaha ugu waa weyn ee muddooyinka dambe la arkayo waxaa ka mid ah, talo la keli noqosho, sad bursi, talo umadda ka dhexeysa oo si gaar ah loola cararo, go’aan aan umadda u dhameyn oo sigaar ah loo gaaro IWM.
Iyada oo ay murtidu nagu dhiirigelineyso in talo kasta iyo go’aan kastaba si midnimo ah loo gaaro, anaga oo iska ilaalineyna in si laab la kac ah go’aan lagu gaaro;
AKHRI MURTIDAN:
“TALO LAAB LA KAC KU KEEN GO’AAN LAAB LA KAC KU GAAR
WAA ADOO TUB KHALDAN MAROO TIRIYOO WAA TANAA TUBTII”
MICNAHA MURTIDA: Talada laab la kaca iyo si fudeyd ku jiro lagu soo jeediyo iyo go’aan qaadashada laab lakaca ku saleysan, waxay la mid yihiin adiga oo wado aan sax ahayn marey isla markaana aad ku ad adag tahay inaad wadadaasi ku sii socoto, walina aad dhahayso wadada waa watan aan marayo.
Hadaba akhristow sow sax waaye lama dhihi karo murtidan: (TALADAAN LA RUUGIN WAA LAGU RAFAADAA).
Wariye Cabdinuur Mayo Cali Idale News Online, Baydhabo.