Jaamacadda Banaadir iyo Som Kenya oo iska kaashanaya dhisida Iskuul lagu barto cudurada Ilkaha.

0
233

Dhawaan magaalada Muqdisho waxaa laga furi doonaa Iskuul lagu barto cudurada Ilkaha.

Mashruucan waxaa iska kaashanaya Jaamacadda Banaadir iyo Ururka Samafalka ee Somali Care.

Cabdi Maaxaay waa madaxa ururka Som Care, wuxuu BBC-da u sheegay in dhawaan magaalada Muqdisho ay ka furi doonaan Iskuulkaas oo ah kii ugu horeetat ee lagu barto cudurada Ilkaha.

Wuxuu sheegay oo kale in dhawaan Farac ka mid Jaamacadda Banaadir ay ka fureen deeganka Buurane ee gobalka Shabeellaha Dhexe.

Wuxuu sheegay in Jaamacadaas in ay dabooli doonto baahida ay qabeen arday badan oo ku dhaqan gobalka Shabeellaha Dhexe kuwaasoo immaan jiray magaalada Muqdisho.

Cabdi Maaxaay ayaa sheegay in ay ku rajo weyn yihiin dhimaha Iskuulka lagu barto cudurada Ilkaha.

Isku soo duub oo ururka Som Care oo ah urur samafal iyo Cabdi Maaxaay ayaa horrey dibadda ugu qaaday carruur iyo haween waxbo looga qaban waayay xanuunkooda dalka gudihiisa.

Waa markii ugu horresay oo in ka badan 20 sanno Muqdisho laga dhiso Iskuul lagu barto cudurada Ilkaha.

Jaamacadda Banaadir iyo Som Kenya oo iska kaashanaya dhisida Iskuul lagu barto cudurada Ilkaha

Idale News Online, Muqdisho.