Muxuu ka yiri Sheikh Shariif Sheikh Axmed Dhismaha Guddiga Badbaadinta Qaran ee Nairobi lagu yagleelay iyo Tuhunka Shacbiga??.

0
217

ghghghghh

Madaxweynihii hore ee Somalia Md. Shariif Sheikh Axmed, oo dhawaan la sheegay inuu kamid yahay ‘’Qaswadayaasha Somalia’’, ayaa waxa uu sheegay in shaqsiyad ahaan uusan qeyb ka aheyn Guddigaasi Mucaaradka ah.

Shariif Sheikh Axmed, ayaa iska fogeeyay inuu kamid yahay Guddiga dhawaan lagu yagleelay Magaalladda Nairobi, ee Xarunta Dalka Kenya, isagoona sheegay in ruux waliba uu isaga xur u yahay waxa uu doonaayo balse uusan qeyb ka aheyn.

Shariif Sheikh Axmed oo arrintaasi ka shanqariyay, ayaa waxa uu yiri ‘’Marka ay dhagaheygu kusoo dhaceen inaan kamid ahay Ragga Kenya isu aruursaday, ayan la yaabay waayo aniga ma ahi Mucaarad shacbiga iyo Caalamka ayaana Marqaati ka ah in leygaaga guuleystay Cod, isla goobtana waxan ugu hambalyeeyay Xassan Sheikh marka waa arrin aan la yaabah eedeeymaha la ii jeedinaayo ee ah inaan kamid ahay Guddiga Mucaaradka ee Nairobi lagu dhisay’’ Ayuu yiri Shariif Sheikh Axmed, oo intaa hadalkiisa raaciyay in looga baahan yahay Warbaahinta inay kala Ogaadan ruuxa Mucaaradka ah iyo ruuxa muxaafidka ah.

Haddalka Sheikh Shariif Sheikh Axmed, Madaxweynihii hore ee Somalia, ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo inta badan Bulshaweynta Soomaaliyeed, ay hadal haayaan Guddi dhawaan lagu yagleelay Magaalladda Nairobi oo Ujeedkiisu yahay in lagu maja xaabiyo Xukuumadda Qaran ee Somalia.

Horay ayaa waxaa Arrinta gudigaasi isaga fogeeyay Saddax Mas’uul oo ka tirsanaa Baarlamaanka Somalia, waxaana Afar ku noqday Sheikh Shariif oo isaguna iminka iska fogeeyay Eedeymahaasi.

Ugu dambeyntii, dadka saadaaliya Siyaasadda isla markaana indha indheeya Xaaladda Dalka Somalia, ayaa waxa ay aaminsan yihiin in Shariif Sheikh Axmed uu Guddigaasi ka yahay ruuxa koowaad iyadoona ay kaamiradaha caalamka qabteen isaga oo Magaalladda Kampala kula shiraayay Mas’uuliyiin caan ah oo ka tirsan Guddigaasi, xilligaasi uu Sheikh Shariif Kampala u aaday Arrinta Guddiga oo ay Ugandha ugu yeertay.

Idale News Muqdisho