Banaanbax looga soo horjeedo dilalka qorsheysan ee ku soo batey caasimada oo Muqdisho ka dhacey

0
199

Bannaanbax looga soo horjeedo nabadgalyo darrada ku soo korortay magaalada Muqdisho ayaa ka dhacay fagaaraha taallada Daljirka dahsoon ee magaalada Muqdisho.

dibadbax

Bannaanbaxa oo uu soo qabanqaabiyay maamulka gobolka Banaadir ayaa waxaa ka soo qeyb-galay xildhibaanno, mas’uuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir, ururka haweenka qaranka iyo qaar ka mid ah dadweynaha gobolka Banaadir.

Dibad-baxayaasha ayaa waxaa fagaaraha kula hadlay mas’uuliyiin ay ka mid yihiin xog-hayaha guud ee gobolka Banaadir, Cabdikaafi Hilowle Cismaan, guddoomiyaha guddiga arrimaha bini aadannimada iyo haweenka ee baarlammaanka Khadiija Maxamed Diiriye iyo guddoomiyaha haweenka qaranka Jawaahir Baarqab.

Mas’uuliyiinta ayaa goobta ka jeediyey hadallo muujinaya sida ay uga xun yihiin dilalka loo geysanayo shakhsiyaadka muhiimka ah ee Soomaaliyeed, gaar ahaan falkii dilka ahaa ee Khamiistii la soo dhaafay loo gaystay guddoomiye ku xigeenkii degmada Yaaqshiid Alle ha u naxariistee Raxmo Daahir oo ay sheegeen in ay xubin muhiim u ahayd horumarinta ummadda Soomaaliyeed, gaar ahaan haweenka.

Mas’uuliyiintu waxay cambaareeyeen ugaarsiga dadka muhiimka u ah ummadda Soomaaliyeed oo ay ka midka aheyd Raxmo Daahir, waxayna dowladda federaalka ah ee Soomaaliyeed ka codsadeen inay qaaddo tallaabooyin deg-deg ah oo lagu xaqiijinayo ammaanka magaalada Muqdisho.

Idale News Online, Mogadishu