Muungaab oo aan ilaa iyo hada la hoos geeynin Laamaha Booliska & Nabadsugida.

0
171

Magaaladda Muqdisho aya waxay soo martay maraaxilo kala duwan mar waxay aheed caasmadda ugu bilicda wanaagsan caasimadaha qaarada africa waxayna la daalaa dhaceysay in mudo ah dagaalo sokeeye,kuwa ay hurinayeen hogaamiyo kooxeedyo iyo haatan sheeganaya in ay diin U dagaalamayaan
Magaaladda Muqdsho ayaa horaantii bishii Marso waxa loo magacaabay Gudoomiye jeneral Xasan Maxamed Xuseen Muungaab ujeedka loo magacaabay ayaa ah in uu yahay mas,ul samata bixin kara xaaalada cakiran ay marayso caasimadda umadda soomaaliyeed.

Sidaas darteed waxay dhagaha shacabku maqlan marar badan oo is daba joog waxaa Ciidamadda amaanka sida booliska iyo Nabad sugida si toos ah loo hoos geyn doonaa gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaaladda muqdisho lagamana dhabeeyo oo hadalka aya kusoo idlaaday mid lagu dhawaaqo laakiin aan fulin sida darteed soomaalida ayaa tiraahda “War Magaalo warqad ayuu Ku yaala hadii u yahay war dowlana maba kusii Jiro” mana heyno ilaa hada wax cad oo la taaban karo oo lagu wareejiyo Gudoomiyaha Gobolka Banaadir

Shir ka dhacay Hotelka Jaziira oo looga hadlay amaanka ayaa looga dhawaaqay in Booliska iyo Nabad sugida gobolka ay hoos tagayaan Duqa magaalada mana suura galin sidoo kalana maamlmo ka hor ayaa hadana markale lagu dhawaaqay in ai si toos ah u hoostagayaan laba taliye ee maamula ciidama gobolka banaadir hadaba waxaa is weydiin mudan meesha ay sirtu ka qurun santahay waa maxay sababta la iskugu tuur tuurayo amaanka caasimadda oo muhim ah umadda soomaliyeed

Taliyaasha ciidama aya waxay ka dameysay kadib markii uu Madaxweynaha soomaliya ku dhawaaqay in booliska iyo Nabad sugida Gobolka banaadir ay si toos ah u hoos tagayaan Gudoomiyaha gobolka banaadir ahna duqa magaalada muqdisho waa hadii laga dhabeeyo oo aysan noqonin maah maahyadii aheed “Qowda Maqashii Waxna ha u qaban”.

Gudoomiyaha gobolka banaadir ayaa meel wanaagsan oo amni ah soo gaarsiiyey dalka soomaliya mudadii uu madaxda ka ahaay maxkamada sare waxaana la helay amni iyo kala dambeyn sidaas oo kale ayaa waxaa la arki doonaa markii si dhab ah loogu wareejiyo taliska booliska iyo Nabad sugida Gobolka banaadir.

Hadaba Dhalinyadad Aqoonyahaniinta ahee loo magacaabay degmooyinka Gobolka banaadir ayaa howlan sidii ay caasimada soomaliya ay amni ahaan iyo maamul ahaanba ay u noqon laheed mid la tartanta caasimadaha dhigeeda ah .

Hadii Laga dhabeeyo oo si toos naloo Hoos keeno booliska iyo Nabad sugida gobolka banaadir Anaga ayaa qaadayna Mas,uliyda amniga caasimadda soomaliya laakiin hadii ay taas dhicin waxaa lagula xisaabtamayaa cida ay hoostagaan ama ay quseeyso laakiin gacmaha kama laaban doono ayuu Yiri Muungaab.

Ugu Dambeyntii ayaa Gudoomiyaha gobolka ayaa bulshada soomaliyeed u iftiimiyey fikirka ay Alshabaab aminsanyihiin iyaga oo bisha Ramadaan Ku baaqay in ay dhiig badan daadin doonaa dhanka Maamulka Gobolka Banaadir uu bulshada soomaliyeed u qabanayo mashaariic Hormarineed waana fikirka u dhexeeya shabaab iyo dowladnimada .

MUUNGAAB

Idale News Online, Muqdisho.