Qormo Xiiso Leh: Gudiga u Xalaaleynta Maxaa tiriga ee Gobolada Koonfur Galbeed Soomaaliya Ee “Mailand”.

0
222

Qorsmo: Dorraad waxaa lala tagey Jubba, Shaleynah Sh/hoose, Maantana Bakool, Berrina Baay, sheekaduna waa bye bye D+M+Biimaal aan is weydiinee? Maxaa dulliga ina badey, maxaa damman inaka dhigey, dareenkii maxaa la tagey ‘ereyadaan waxay kamid ahayeen heestii Cabdi Muxumud Amiin’.

Maxaa geyigeenna deris kala dhigey dhibaato aan kala go’ laheyn? waa sheekadii Shube (2007) is weydiiyey “Duruufaha maanta yaal; dhibtaan la dayaysannahay; da’deen inalama qabtee; dalkeenna maxaa kufurey”. {ma beddelento taariikhdu in aad bi’iso mooyaane Haddii aad bar gooysana in ay bayrto haw filine Bog hadaad rogtaba Baal kalay kaaga soo bixiye} Khaalid Cali Guul.

Xubnaha sida ay Beelaha ukala heleen: Mirifle 6 Xubnood, Digil 4 Xubnood, Hawiye 3 Xubnood, Dir/Biimaal 3 Xubnood, Daarood 1 Xubin, Beesha Shanaad, 1 Xubin :. 6+4+3+3+1+1= 18 Xubnood. #Shaxdaan waxaa ku cad in Shabeelada Hoose, Bakool iyo Bay ay u simanyihiin Biimaal iyo Hawiye, Tusaale Biimaal 3 Xubin, Hawiyana 3 Xubin, marka halganka Biimaal waa Hal bacaaad lagu lisey, mar haddii iyaga iyo Hawiyaba u simanyihiin Sh/hoose, waa halku dhigii ahaa “Ruqo dabada laga fuushanyahay, ruuxna kicin waaye”. #Shaxdaan waxaa ku cad Digilka kunool Sh/hoose oo leysku geeyay ay lamid yihiin Hawiyaha kunool Sh/hoose, macnaha Digil 4 Xubin kajar Hal Xubin oo Diinsoor Dabarre, Baay ah = Digilka Sh/hoose 3-Xubin, Haawiyana 3-Xubin. “Waxaan ahay nin arkaya, waxaan uunka u jeedine, aan ooyee Albaabka ii xira” #Shaxdaan waxaa kucad in Dadka Miriflaha oo leysku geeyay ee 3-da Gobal kunool in dad u dhigma Barkooda oo Hawiye ah kunoolyihiin 3-da Gobal, macnaha 6 Mirifle ah Barkooda waa 3 Hawiye ah. Aqristoow xasuusnow “Quruumaha danbaa kugu Naclada ficilka qaarkiise”.

Shaxdaan waxaa kucad in DM & Biimaal lagu heysto Sh/hoose, Bakool iyo Bay, lagama hadlaayo 2-da Juba iyo Gedo, Tusaale Digilka Sh/hoose 3-Xubin, 1-ka Xubin oo kale Dabarre oo Baay ah, Biimalna 3-Xubin, Hawiye na 3-Xubin, tani waxay lamicno tahay, Sh/hoose waxaa wada dega 3-Qabiil oo siman iyo Qabiil ah 0.3. walaal ogow “Daar bur-burtey in la dhiso waa fududdahay, Damiir bur-bureyse in la dhiso ma fududa” #Shaxdaan waxaa kucad in Daarood wax ku leeyahay Bakool, weliba ay kayihiin 25%, Tusaale: Mirifle Wuxuu helay 6 Xubin, 3-Baay ah iyo 3-Bakool ah, 3-da Bakool kudar Halka Daarood/Ogaadeen, waa Afar Xubnood oo Bakool ka timid, marka 100/4=25, sikale hadaan udhaho 1/4=0.25 u badal boqoleey oo kudhufo 100 waa 25%, ilaahey amarkiis.

Rugta aan ka fashilanahay waatan “Raggii madaxdu ka xumaato waa marin habaabaaye, Teersana rag aan baran haddii talada loo dhiibey” tani waxaan u iri xaga waxbarashada, Fadlan baaritaan kusameeya Aqoontooda mas’uuliyiinta DM matasha min Tuulo, Degmo, Gobal, Xubin Barlamaan, illaa Wasiir iyo kuxigeen, waa 4% illaa 5% ayaa Dugsi Quraan iyo School tagey, marka maxaan ka fileynaa Shaqsi Jaahil ah, Xaasid ah, Fuley ah, Doqon ah, Sheegad ah macnaha reerakale AMA Dalkale sheeganaya sida waxa loo yaqaan ‘Geegii mariidi’, Faqiir ah, Maangaab ah? Aqristow waxaan kuleeyahay “Waxaan ahay xog-ogaal; hir fog baan arkayaa; orna waan maqlayaa; waxna way urayaan”.

Shaxda waxaa kucad in Madoowe Nuunow dadaaley balse waxbadan qaldey, qaladkiisana waxaa ugu weynaa imaanshihiisii Xamar. Dhanka kale: #Shaxda waxay na tuseysaa Qaa’inimada, Xaasidnimada Xiqdiga kudheehan ee ay sameeyeen: Wasiir Khaalid Cumar Cali, Wasiir kuxigeen Ibrahim Isaaq Yarow, Wasiir kuxigeen Cabdalla Xuseen Cali, waxaan leeyahay Gudoomiye Max’ed Sheekh Cusmaan Jawaahir”Talo hoogtey, waayeel horkacey ayaa tahay” iyo Suldaan Buube. “Ninkii Timir abuuriyo; ninkii Tiin tallaalaba; taariikhda yaa werin”.

Waxa na heysta waxaa Koow ka ah HOGGAAN xumi, haddaan ka fiirino dhinaca Diinta Islaamka, HOGGAAN ka xumi Wuxuu kamid yahay calaamadaha Qiyaamaha. Sida kusugan Xadiith uu soo guuriyey Muslim, uunka wariyey Abu-Hureyra, “Maalin ayaa Rasuulka (SCW) oo la hadlaya saxaabada, ayaa nin reer baadiye ahi Rasuulka (SCW) weydiiyey ‘Goormee Qiyaamaha dhacayaa? Rasuulka (SCW) markuu hadalkii dhameeyey ayuu yiri, “aawey qofkii su’aasha qabey?” Ninkii ayaa yiri waa ikan Rasuulkii Allow. Rasuulku (SCW) wuxuu yiri, ” marka daacadnimada la waayo, filo Qiyaamaha”. Ninkii Wuxuu yiri “sidee daacadnimada loo waayaa?” Rasuulka (SCW) wuxuu yiri “marka awooddu gacanta u gasho dad aan mudneyn, filo Qiyaamaha”.

Dadka aan mudneyn sida culumo badani ishaareen waa HOGGAANADA XUN-XUN. Ugu dambeyn waxaan leeyahay KG-3 “maxaad noogu dhalateen kuwii hore ma dhaantaane”. Filasho Qormo cusub oo kahadleysa “isbaaro State” waa qolada isku magacaawdey SHARELLE State oo aan u bixiyey “Tukaloo kadaran KG-3 Gobol.

AFEEF: shabakadda Idale News Online, Waa Mareeg Furan oo Qofkasta oo Soomaliya ahi Ka Dhiiban Karo Fikiradiisa , waa shabakada Dhex dhexaad ah.

kg

Idale  News Online, Muqdosho.