Wararka aan ka helayno Degmada Diinsoor ee Gobolka Baay, ayaa sheegaya in Kooxda Al shabaab ay Maanta oo Arbaco ah ku toogatay Degmadaasi Gabar ay ku eedeeyeen Howlo Basaasnimo oo ay u samaynaysay Ciidamada Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.
Gabadhan oo Da’deeda lagu sheegay 15 Sano jir, islamarkaana lagu magacaabo Farxiyo Cabdi ayaa waxaa lagu toogtay Saakay Goob Fagaaro ah oo ku taalla Doonsoor halkaasi oo Dadweyne la qasbay usoo daawasho tageen.
Baabuur ay ku xiran yihiin Cod-baahiyaal (Microphones) ayaa Saakay Dadka Ganacsatada ah & kuwa kale ugu baaqayay inay kasoo qeyb galaan Xukun Dil Toogasho ah oo ay fuliyanayaan Maleeshiyada Kooxda Al shabaab oo ka dhacaya Fagaaro ku yaalla Degmada Diinsoor, sida ay noo sheegeen Dad diiday inaan Magacooda shaacino.
Qaaliga Maxkamadda Degmada Diinsoor ee Al shabaab oo Goobta ka hadlay ayaa sheegay in Gabadha ay ku heleen Denbi Basaasnimo ah, isagoo tilmaamay in Farxiyo Cabdi lagu soo tababaaray Degmada Xudur ee Gobolka Bakool, kadibna loo soo diray inay Xog kasoo gudbiso Deegaanada ay Al shabaab joogaan.
Horjoogiyaasha Al shabaab ayaa sidoo kale sheegay in Xukun Dilka ah ee ay ku fuliyeen Gabadha markii ay uga shakiyeen inay la shaqeyso Laamaha Sirdoonka Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa Gobollada Baay & Bakool.
Dadweynaha ku sugnaa Fagaaraha Toogashada ayaa loo jeediyay Digniin ah in Al shabaab ay dili doonto Cid kastaa oo ay uga shakiyaan inay xariir la leedahay Dowladda Federaalka ama Ciidamada AMISOM.
Inta badan, Al shabaab Dadka ay sidan oo kale ugu toogtaan Goobaha ay maamulaan ayaa waxa ay sheegaan inay qirtaan Denbiyadooda, iyadoo aysan u qaban Qareenno u dooda Dadka eedeysaniyaasha ah.
Idale News Online, Diinsoor.