Musharaxiinta u Tartamaysa qabashada Jagada Madaxtinimada Dowlada Goboleedka Koonfur Galbeed soomaliya ayaa maanta Bilaabi doona Khudbado ay jedinayan,isla markasna ay kusoo bandhiyan Taarikhdooda nololeedka, iyo sidoo kale wax qabadkooda sanadood ee soo socto.
Malaaq Cali C/raxmaan Cali Shiino oo kamid odayaasha dhaqanka ee 6da Gobolk ee Koonfur galbeed soomaaliya ayaa u shegay Warbaahinta gudaha dalka in maanta iyo waxii ka dambeeyo ay bilaaban donaanto khudbado ay jedinayaan musharixinta.
Tirada musharaxiinta hada u taagan inay qabtaan hogaanka Dowlada Goboleedka Koonfur galbeed Soomaaliya ayaa waxa ay gaarayaan iminka ilaa 18-musharax sida malaaq Shiino uu xaqiijiyay inkastoo buu yiri qaar kale ay maanta tagayaan Magaalada Baydhabo.
Shirkaan la dedejinayo, ayaa qorshihiisa wuxuu yahay in lixda Gobal ee Koonfurta Dowlada loogu sameeyo, kuwaasoo Gobolo ku yaala koonfurta soomaaliya oo kala ah Jubbada Hoose, Jubbada Dhexe, Ged, Bay, Bakool iyo Gobalka Shabeelaha hoose, isla markaana lagu dadaalaya in la yareeyo khilaafka ba’an ee ragaadiyey koonfurta& Konfur galbeed soomaaliya.
Ugu dambeyntii, arintani ayaa imaneysaa, xilli sheley la dhaariyey qaar ka mid ah gulaha guurtida ee Dowlad goboleedka KG soomaaliya, kuwaasoo dooran doona madaxweyne iyo ku xigeenkiisa.
xasan basha ismaciil
Idale News Online