Dowlada Kenya oo Diblamaasi Soomaaliyeed kala noqotay sharcigii & baasaboorkii dalka Kenya

0
184

Dowlada kenya ayaa shaacisay in sharcigii dib ugala laabatay diblomaasi Soomaaliyeed oo haystay Baasboorka dalka Kenya.Otieno Kajwang oo ah madaxa laanta socdaalka Kenya ayaa sheegay in Xasan Sheekh Aadan Isaaq oo diblomaasi Soomaaliyeed ah lagala noqday baasboorKii.

Kenya waxay sheegtay in diblomaasigani qaatay sharciga Kenya ka hor inta aan loo magacaabin diblomaasi, waxayna dowladu sheegtay in Xasan uusan ka tanaasulin dhalashadiisi Kenya kadib markii diblomaasi laga dhigay markaai la ogaadayna lagala noqday sharcigii.

Xasan kaligiis ma ahayn waxa haystay dhalashada Kenya sidoo kale caruurtiisa ayaa haysta dhalashada Kenya.

kenya

Dowlada Kenya waxay sidoo kale sheegtay inay jiraan dad kale oo Soomaaliyeed oo ay kala noqotay sharcigii, qaar kamid ah dadkaas soomaalida ah waxay Kenya sheegtay in lagu qabtay garoomada diyaaradaha iyagoo dalka ka dhoofaya una socday Somaliland kadibna laga hor istaagay socdaalkii lagana kansalay sharcigii.

Hada waxaa socda kiis diblomaasi Soomaaliyeed oo sidan oo kale inta raad soo galay la qabtay, markii la qabtayna la ogaaday inuu haysto dhalashada wadanka Kenya kiiskiisuna wali uu socdo.

Idale News Online, Nairobi, Kenya